Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xafiiska garnaqa loogu talogalay inuu u adeego muwaadinka cashuur-bixiyaha ah.
Dr Sacad oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu soo dhaweynayey guddida cusub ee Garnaqa Cashuuraha, isla markaana lagu sagootiyey guddidii hore ayuu ku ammaanay waxqabadkii guddidii hore mudadii ay xilka hayeen.
Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad ayaa sheegay in shaqada xafiisku tahay in qofka cashuur-bixiyaha la siiyo fursad uu dacwadiisa ku geysan karo, hadii ay Wasaaradda Maaliyadda isku khilaafaan cashuurta ku waajibtay.
“Waa xafiis loogu talogalay in loogu adeego muwaadinka cashuur-bixiyaha ah.”
Waxuu uugu baaqay dhamaan cashuur-bixiyeyaasha inay ka faa’iideystaan adeegyada xafiiskan
Dr Sacad ayaa sheegay in cashuurta lagu soo qoro cashuur-bixiyaha marka hore-ba tahay mid mid sax ah, oo waxii ku waajibay tilmaamaysa, balse hadii qofku ku qanci waayo fursad ayuu haystaa inuu halkan dacwadiisa u soo gudbisto.
“Guddida waxaan kula dardaarmayaa inay qeyb ka qaataan wacyigelinta cashuur-bixiyaha.