Arday Dhammaysatay Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda oo Xaflad Loogu Qabtay Hargaysa

0
95

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ayaa munaasibada u qabatay 400 oo ah ardayda Degmooyinka Caasimada Hargaysa oo dhammaystay barashada Dastuurka iyo Wadaniyada.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyo masuuliyiin ka mid ah golaha wasiirada Somaliland ayaa ka qayb galay munaasibadan loogu xafladaynayay ardayda dhamaysatay barashada Dastuurka iyo Wadaniyada, kuwaasi oo ka faa’iidaystay fursada barashada dastuurka iyo wadaniyada oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku tabcaysay wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurku sidii ay u gaadhsiin lahayd guud ahaan bulshada Somaliland.

Ugu horeyn Agaasimaha wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa ka warbixisay ahmiyada ay u leedahay ka wasaarad ahaan in bulshada la gaadhsiiyo barashada dastuurka iyo wadaniyada, waxaanay ku dheeraatay dedaalka ay galiyeen iyo sida ay uga faa’iidaystaan dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa ardayda dhamaysatay dastuurka iyo wadaniyada ku bogaadiyay sida wabnaagsan ee ay uga faa’iidaysteen una dhabar adaygeen in ay bartaan dastuurka dalkooda iyo wadaniyada waxaanu ku booriyay inay noloshooda ku dabaqaan, dal jacaylka iyo dastuurka dalka waxaanu yidhi.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay uguna mahad celinayaa dhalinyartan sidii xilkasnimada lahayd ee xuluashada lahayd ee xurmada lahayd ee mudadii ay wax baranayeen ay macalimiinta wax baraysa iyo macalimiinta wasaaradda iyo masuuliyiinta wasaaradda ay ula shaqeeyeen ee ay casharadoodii ugu soo xaadireen iyaga oo si tabarucaad ah oo doorasho ah oo dal jacayl ah oo dadnimo ah ay iyagu doorasho ku yimaadeen inay wax-bartaan waan uga mahad celinayaa waanan ku hambalyaynayaa.

Waxaan idin leeyahay aniga oo waalid ah waxaan leeyahay guulaysta, hore u socda, waxbarashada sii wada, qaranimada illaaliya, midnimada xoojiya, qabyaalada kula dagaalama wixii aad barataan kula dagaalama horumar u jihaysta, gacmaha is-qabsada waxa gaadhi doontaan wax wanaagsan oo dalkeena ka soo iftiimaya’’

Gebo’gabadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardayda degmooyinka caasimada Hargaysa ee dhamaystay barashada dastuurka iyo wadaniyada, kuwaasi oo ka faa’iidaystay fursada ay muwaadiniinta siiso wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurku.

Ma ahan ardaydii u horaysay ee munaasibadan oo kale loo qabto balse waxaa jiray arday kale oo fara badan oo wasaaraddu sidan oo kale u maamuustay, kuwaasi oo dhamaystay barashada dastuurka iyo wadaniyada.