Taariikhda Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi

0
237

Alle ha u naxariistee waxa dalka Sucuudiga ku geeriyooday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa siyaasi iyo aqoonyahan caan ah, kaalin weynna ka soo qaatay halgankii iyo dhismihii dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Riyadh, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, madaxda goleyaasha Qaranka iyo dad kale oo caan ah ayaa dhambaallo tacsi ah u diray qoyska, qaraabada iyo ehelka uu ka baxay.

Inkasta oo uu marxuumku da’ ahaa, isla markaana sanadihii u dambeeyey uu dhowr jeer bukaan socod noqday, haddana geeridiisa ayaa si weyn u taabatay bulshada Somaliland iyo dad badan oo aqoon u lahaa ilaa yaraantiisii, waxaana aad looga baahiyey warbaahinta qaybaheeda taariikh nololleedkiisii intii uu jiray.

Eng; Maxamed Xaashi Cilmi oo ah shakhsiyad aad loogu yaqaanno hal-adayg wuxuu lahaa Taariikh dheer isagoo ka mid ahaa xubnihii yaraa ee aasaasay jabhaddii SNM ee kaga dhawaaqay Magaalada London 6-dii bishii April 1981, ayuu sheegay suxufiga Axmed Siciid Cige oo aqoon durugsan u lahaa marxuumka.

Haddaba, Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu ku dhashay 1939-kii magaalada Jigjiga, halkaasoo uu ku barbaaray, kaddibna uu malcaamada quraanka ka bilaabay. Muddo kaddib wuxuu u soo wareegay magaalada hargeysa oo uu waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexeba ku dhamaystay, gaar ahaan dugsigii farsamada gacanta ee loo yaqaanay Trade School . wuxuu Maxamed Xaashi waxbarasho u tegay dalka ingiriiska 1957-1960 isagoo shahaadada Diplom sare ku soo qaatay dhismaha. Kadibna wuxuu ku soo noqday dalka 1961 oo uu ka hawlgalay wasaaradii hawlaha guud ee magaalada berbera oo uu joogay ilaa iyo 1964 .

Eng; Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu kadib waxbarasho u tegay jaamacadda Los Angeles ee dalka mareykanka 1964 ilaa iyo 1970-kii isagoo shahaadada Civil Engineering ka soo qaatay jaamacadaasi . wuxuu ku soo noqday dalka, waxaanu ka mid noqday madaxdii iyo injineeradii wasaaradda hawlaha guud ee Jamhuuriyaddii Somali 1970 ilaa 1972, taasoo uu  iska casilay laba sanno kaddib, una dhoofay dalka Sucuudi Carabiya oo uu ka aasaasay Shirkad dhisme oo gaar ah .

Sanadkii 1981 ayuu kamid noqday xubnihii Dalka Ingiriiska kaga dhawaaqay ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, kaasoo ay  6-dii bishii April ee sanadkaasi ku shaaciyeen Magaalada London isaga iyo rag kale oo aynu ka xusi karno Prof. Cabdisalam Yaasiin , Axmed Ismaaciil Duqsi , iyo Xasan Adan Wadadiid, kuwaasoo markii dambe  tagay xarumihii jabhadaasi ee Ethiopia iyo gudaha dalkaba .

Sida uu Buugiisa Warjire kaga waramay Wariye Axmed Siciid Cige Eng; Maxamed Xaashi Cilmi alle ha u naxariisto’e wuxuu noqday Xoghayihii Maaliyadda ee Jabhadii SNM 1982-1986 . waxa kale oo  uu tartamay jagada gudoomiyihii SNM shirweynihii Balligubadle ee qabsoomay 1990. laakiinse waxaa kaga guuleystay shan cod alla ha u naxariistee gudoomiye Cabdiraxmaan Axmed Cali {Cabdiraxman Tuur }. Wuxuu Maxamed Xaashi Cilmi ka mid ahaa siyaasiyiintii kaga dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland shirweynihii Beelaha Somaliland ee magaalada Burco 18 May 1991 , kaddib burburkii Jamhuuriyadii Soomaali.

Xukuumaddii Somaliland ee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu Eng; Maxamed Xaashi Cilmi noqday Duqii Magaalada Hargeysa 1993, isagoo xilkaa hayay ilaa iyo horaantii 1997, markaasoo uu isu sharaxay jagada Madaxweynaha, laakiinse lagaga guulaystay.

Xukuumaddii kale ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxuu Eng; Maxamed Xaashi ka noqday sanadkii 2003 Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo wershedaha jagadasii oo uu hayay ilaa iyo sanadkii 2005.

Alle ha u raxmadee Sanadkii 2007 waxaa uu noqday Guddoomiye-xigeenka koowaad ee urur siyaasadeedkii QARAN ee muranka dhaliyay sharcinimadiisu maadaama uu distoorka Somaliland dhigayo saddex xisbi oo keli ah inay ka jirayaan dalka, jirinna xeer faxayey furida xisbiyo cusub. Waxa ay ururkaas wada aasaaseen Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo rag kale oo uu kamid ahaa Jamaal Caydiid Ibraahim, guddoomiyaha rugta Ganacsiga JSL.

Marxuumka iyo xubno kale oo kamida aasaaseyaashii ururkii Qaran ayaa xabsiga loo taxaabay markii ay ku dhawaaqeen, waxaanay xabsi ku xidhnaayeen muddo afar bilooda, iyadoo markii la soo daayeyna ay ku bireen Xisbiga Kulmiye sanadkii 2008-dii.

Markii uu ku guuleysay Xisbiga Kulmiye hogaaminta talada Somaliland ee madaxweyne uu noqday Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) doorashadii qabsoontay 2010, waxa loo magacaabay  marxuum Eng; Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. Xilkaasoo uu ilaa 2012, isla markaana ahaa xilkii u dambeeyey ee muuqda ee uu xafiis dawladdeed ka qabto.

Alle ha u naxariisto’e wuxuu ahaa siyaasi hal adag, isla markaana inta badan nololshiisa ku qaatay halgan dareen isbedel-doon. Waxyaabaha aadka loogu xusuustana waxa kamida intii uu Maayarka Hargeysa ahaa qaabkii uu u dejiyey naqshada Magaalada iyo u magac-bixinta degmooyinka oo uu rag mujaahidiin ahaa ugu magac-daray.

  1. Taariikhdan qayb kamida waxa aanu ka soo xigganay qormo uu qoray Suxufiga weyn ee Axmed Siciid Cige.