Degmada Cali Xaydh oo loo Dhagax Dhigey Dugsi ay Mudo Badan Sugeysay

0
116

Borama (Dawan) Isu-duwaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska gobolka Awdal Nuuradiin Muuse Cali, ayaa degmada Cali Xaydh ee gobolka Awdal ka dhagax dhigey dugsi sare oo ay yeelan doonto degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Cali Xaydh, ayaa sheegay in aanay lahayn degmadu dugsi sarre, waxaanu uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka gaysatay in la helo dugsi sarre, waxaanu xusay in meesha ka saari doono baahidii loo qabay helitaanka dugsi sarre.

Masuul ka tirsan hay’adda Save The Children, ayaa sheegay in dugsigani ka kooban yahay laba fasal iyo xafiiskiisi, waxaanu xusay in ay dugsigani ay siin doonaan ilayska ku shaqeeya tamarta cadceeda, waxaanu tilmaamay in uu adeegsan doonaan daabacada waraaqaha iyo adeegyada mihiimka u ah waxbarashada.

Qaarka mida waalidiinta iyo waxgaradka degmada Cali Xaydha ayaa wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta dugsigan sarre uga mahadnaqay, waxaanay sheegeen in baahi weyn loo qabay isla markaana degaano ka baxsan loo doonan jiray adeegbixinta waxbarashada ee dugsiga sarr, kaas oo ay xuseen in kharash iyo dhib laga mudan jiray.

Gaba-gabadii isu’duwaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ee gobolka Awdal Nuuradiin Muuse Cali, ayaa sheegay in lagaga baaqsan doono baahiyihii kala duwana ee bulshada ku khasbayay inay degaanka ka baxaan, waxa uu intaas ku daray in fasalka 8-aad ee dugsiga hoose 13 arday iyo 12 arday labadii sano ee u danbeeyay ay imtixaanka u fadhiisteen, balse nasiibdarro ay suuqyada degmada iska fadhiyaan, waxaanu intaas raaciyay in ardayda inta nasiibka u heshay inay meelkale u waxbarasho doontaan ay kooban tahay, waxaanu bulshada ugu bushaareeyay in waxbarashada heerarkeeda