Wakaalada Waddooyin oo Daamur u kala Dirtay gobollada Dalka

0
132

Hargeysa (Dawan) Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland   ayaa Daamur xaddi badan u kala dirtay   Dhismayaasha Waddooyinka waa weyn ee dalka ka socda.

Daamurkan oo maalmihii ugu dambeeyey laga rarayay dekadda Berbera ayay wakaaladdu u qaadaysaa Mashruuca Dhismaha Jidka Ceerigaabo.

War qoraal ah oo ka soo baxay wakaalada Horumarinta Waddooyinka JSL, ayaa lagu sheegay in wakaaladu bilowday kala dirida daamur loogu tala galay dhismaha waddooyinka dalka ka socda oo dhan si loo dhamaystiro dhamaan waddooyinka socda.

Daamburka waddooyinkan lagu dhisayo oo muddo la sugayay ayaa ka soo degay dekadda Berbera, waxaana gaadiidka wakaalada horumarinta waddooyinku u daabuleen goobihii loo qorsheeyay in lagu dhiso.

Jidad badan oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka ayaa ka socda gobollada dalka, kuwaas oo xukuumaddii kala danbeeyay ay hirgelintooda  uqalab qaateen.

Gaba’gabadii Wakaaladda horumarinta wadooyinka ayaa hiigsanaysa inay gaadho isku filaansho dhinaca dhismaha wadooyinka ah, taasi oo ay taaba galinayso aragtida xukuumadda ee dhismaha wadooyinka, waxaanay dedaalka saartay sidii ay dhismayaasha jidadka uga hawab tiri lahayd daamurka oo laf dhabar u ah wadooyinka