Booliska oo soo Samato-bixiyay 3 Nin oo Daad ku Qaaday Hargeysa

0
96

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan Ciidanka Saldhiga degmada Axmed Macallin Haaruun ayaa soo badbaadiyay Saddex nin oo uu qaaday dooxa weyn Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxa ay ciidanku sheegeen in dadaalada lagu soo samata bixinayay saddexda nin aan ilaa hadda lahayn gaadhigii ay wateen oo daadkii dooxa marayay uu qaaday.

Ciidanka boolisku waxa ay dadka fareen in ay ka fogaadaan waxkasta oo waxyeelo ka soo gaadhi karto, waxaana sidan lagu sheegay war qoraala oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ciidanka, waxaanu u dhigna sidan.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa ku wargelinaynaa dhammaan bulshaweynta Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka fogadaan ,  wax kasta oo  xilli roobaadka waxyeello soo gaadhsiin kara  Naftooda  iyo Maalkoodaba.

Sida  Dooxyada , biyo-mareennada , Laagaha , Biraha laydhka IWM, sidoo kale waxaanu  darawallada Gaaddiidka  faraynaa ina ay taxadar badan muujiyaan, qataanna awaamiirta Ciidanka Nabadgalyada  Waddooyinka ee ” Traffic “.