Xikamada

0
205
  • Weliga Naftaada ha garab dhigin dadka kale waayo haddii aad taasi samayso laba arimood oo fashil iyo khasraare ah midkoda ayaa kugu imanaya :

– In aanay dadka kale haysan wax aad adigu haysato ee nimco ah ka dibna aad is cajebisoย  oo kibir iyo isla weyniyi kugu dhacdo.

– Inaad aragto in dadka kale haystaan wax aanad adigu haysan ka dibna xasad iyo cuqdadi kuu gasho oo aad jeclaatid inay iyaguna waayaan oo kula mid noqdaan.ย  Nimcoyinka Allaha (sw) ku siiyay ku mahadnaq.

  • Haddii cagtaadu dhulka raad ku reebto, carabkaaguna wuxu raadeeya qalbiyada dadka, haddab qofna ha dulmiyin, ha xaqirin, hana xaman
  • Aqoontu waa garashada waxa aadodhanayso, xigmaduna waa garashada wakhtiga aad odhanayso .
  • Qofka raba inuu guulaysto ma dhamaado fikradihiisu, ka guuldaraystana ma dhamaado cudur daarkiisu.
  • Baqdintu ma jirto meel ay joogto marka laga reebo maskaxdeena
  • Qofka ku fiican samaynta cudur-daarku kuma fiicna wax kale.