Boqolaal reer Thailand ah oo laga daadgureynayo Myanmar dagaalka awgii

0
128

In ka badan laba boqol oo muwaadiniin Thai ah oo ku xayiran dagaalka ka socda waqooyiga Myanmar ee u dhexeeya askarta milatariga ah iyo kooxaha hubaysan ee laga tirada badan yahay ayaa loo daadgureynayaa Thailand iyaga oo sii maraya Shiinaha, wasaaradda arrimaha dibadda ee Thailand ayaa sheegtay Axaddii.

Milateriga Myanmar, oo xukunka kula wareegay afgambi 2021-kii, ayaa luminaya magaalooyin badan iyo saldhigyo militari oo ku yaalla dalkaas, sidoo kale waxaa lagu dagaalamayaa qeybo ka mid ah woqooyiga dalkaasi, xilli uu socdo duullaankii ugu ballaadhnaa ee la isku dubbaridayay, oo bishii hore ay bilaabeen isbahaysi saddex ah oo ka socda kooxaha laga tirada badan yahay iyo halgamayaasha dimoqraadiyadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Thailand ayaa sheegtay in koox ka kooban 266 Thais ah iyo tiro aan la cayimin oo Philippine iyo Singapore u dhashay laga daadgureynayo magaalada Laukkaing ee waqooyiga gobolka Shan lana geynayo xadka Myanmar iyo Shiinaha iyada oo ay gacan ka helayaan maamulka Myanmar.

Kooxda ayaa loo ogolaan doonaa in ay galaan Shiinaha ka dibna waxay ka duuli doonaan magaalada Kunming ee Shiinaha laba duulimaad oo loo kireeyay Bangkok, halkaas oo ay ku mari doonaan baadhitaano la xidhiidha in ay ku lug lahaayeen denbiyo, ayay tidhi wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasaaraddu ma aanay cayimin xilliga ay dhacayaan duullimaadyada dib-u-celinta balse waxay sheegtay in kooxdu ay u safrayaan xadka Shiinaha Axadda.

Maamulka Thailand ayaa goor sii horeysay sheegay in kuwa ku go’doonsan Myanmar ay yihiin dhibanayaal ka ganacsiga dadka, waxaana laga yaabaa in qaarkood ay ku lug leeyihiin burcadda isgaadhsiinta.

Koonfur-bari Aasiya oo ay ku jirto Myanmar, ayaa noqotay xudunta isgaadhsiinta iyo khiyaamada kale ee internetka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyada oo boqolaal kun oo qof ay ka ganacsadaan kooxo dambiilayaal ah oo lagu khasbo inay ka shaqeeyaan xarumaha wax-is-daba-marinta iyo hawlo kale oo sharci-darro ah.

U daadgureynta Shiinaha ayaa timid maalin ka dib markii 41 qof oo u dhashay dalka Thailand lagu soo celiyay dhulka Thailand ka dib markii ay iska kaashadeen maamulka Thailand iyo ciidamada Myanmar.