Dugsi hoose Dhexe iyo Xarun Caafimaad oo Hargeysa lagu soo Kordhiyay

0
139

Hargeysa (Dawan) Dugsi hoose dhexe oo ka kooban shan fasal iyo xarun hooyada iyo dhallaanka ah ayaa lagu soo kordhiyay xaafada baracakayaasha Naasa-hablood C ee caasimada Hargeysa.

Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa Khadar Axmed Nuur, ayaa xadhiga ka jaray mashaariico kala duwan oo laga hirgeliyay xaafada Naasa-hablood C ee magaalada Hargeysa.

Mashaariicdan laga hirgeliyay xaafada Naasa-hablood C ee magaalada Hargeysa, waxa iska kaashaday hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka, dawladda hoose ee Hargeysa iyo hay’adda NRC.

Bulshada xaafada Barakacayaasha Naasa-hablood C ayaa aad ugu baahnaa in loo hirgaliyo adeegyda aasaasiga ah ee maanta xadhiga looga jaray, kuwaasi oo meelo aad uga duragsan u tagi hiray si ay u helaan adeegyadan maanta loo hirgaliyay.

Gebo’gabadii dadwaynaha ku nool xaafada Barakacayaasha Naasa-hablood C ayaa u riyaaqay dhisida adeegyadan ay baahid wayn u qabeen, waxaanay aad ugu mahad celiyeen cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaha xarunta hooyada iyo dhallaanka iyo dugsigan muhiimka u ah dadka xaafada degan.