Komishanka Xakamaynta AIDS-ka oo Wada Qorshe Ay Iskaashi Caafimaad Kala Yeelanayaan Dalalka Deriska

0
169

Hargaysa(Dawan) Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta Komishanka Xakamaynta HIV AIDS Maxamed Xaaji Yaasiin Siciid ayaa sheegay in ka Komishan ahaan in ay wadaan siyaasadii ay ku xakamayn lahaayeen xanuunka HIV/AIDS,isla markaana  ku ogaan lahaayeen dadka qaba xanuunka AIDS-ka ee ka soo gelaya xuduudaha dalalka aynu jaarka nahay, waxaanu sheegay in ay kala tashanayaan dalalka jaarka sidii loo baadhi lahaa dadka isaga gudbaya xuduudaha dalalka aynu jaarka nahay iyo dalkeena.

Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta Komishanka Xakamaynta HIV AIDS Maxamed Xaaji Yaasiin Siciid oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska  Dawan ayaa ka xog waramay sida ay ula tacaaleen, uguna wacyigaliyeen bulshada la nool xanuunka AIDS-ka xumada daran ee ka jirta dalka iyo sida ay ka Komishan ahaan bulshadaasi nugul ugala dabaasheen xanuunka xumada daran ee dalka ku jirta.

Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta Komishanka Xakamaynta HIV AIDS ayaa sidoo kale Wargeyska Dawan uga waramay in ay bulshada aya u adeegaan ee la nool xanuunka AIDS-ka a had iyo jeer ku wacyigaliyaan xaaladaha soo kordha sida xanuunada dalka ku soo kordha, si ay uga digtoonaadaan madaama ay bulshada kale uga nugul yihiin xanuunada.

Agaasimaha oo wacyigalinta xumada daran ee dadka la nool AIDS-ka ka waramay waxa uu yidhi

“runtii xanuunka HIV AIDS-ka waxaa masuul ka ah Komishanka Xakamaynta inuu mar walba xakameeyo oo uu xaaladiisa la socdo, dadkii uu xanuunku helayna sidii loo daryeeli lahaa loo asiibi lahaa, taasi waxay ka turjumaysaa marka la leeyahay xakamayn Komishanka SOLNAC waxaa ka gudoomiye ah Madaxwaynaha Qaranka Mudane Muuse Biixii Cabdi, halkaa waxa aad ka dareemaysaa ahmiyada wayn ee la siiyay sidii dadkan uu masuulka ka yahay iyo qarankan ba looga xakamayn lahaa xanuunada faafa ee uu kow ka yahay HIV AIDS-ku.

Markaa hadba xaalada timaada in laga hawl galaa waa waajib, xanuunaduna naguma cusba oo intaa xumada iyo way soo laab laabanayaan, marka xaaladu dhacdo dadka xanuunkan la nool waanu wacyigalinaa, waxaanu ku wacyigalinaa inay si deg deg ah u tagaan goobta caafimaad ee ugu dhaw si xaaladooda iyo hawshooda loola socdo.

Komishanku runtii ka qaran ahaan waanu ka taxadiray dadkaasi oo miisaaniyad gaar ah ayaa loo sameeyay taasi ayaa raashinka loo siiyaa mar kasta’’.

 

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka ayaa Wargeyska Dawan uga waramay qaabka ay ka Komishan ahaan ugu diyaar garoobeen xuska maalinta caalamioga ah ee HIV AID-ka oo ku beegan 1 Diiseenbar waxaanu sheegay in ay si wayn u qaban qaabinayaan si loo dhiirigaliyo dadka nugul ee la nool xanuunka AIDS-ka waxaanu yidhi

“1 Diiseenbar caalamka ayaa laga xusaa oo maalin caalami ah waana maalinta xuska HIV AIDS, waxa la dhiirigaliyaa dadkii markaa uu xanuunku asiibay waxaana loo sameeyay maalintaasi si ay iyaguna u ogaadaan inay dadku la dareen yihiin, haddii kale waxa ay noqonaysaa in ay cadaawad qaataan oo xanuunkii inagu faafiyaan, sidaa darteed  anagu ka Komishan ahaan waanu ku jirnaa hawsheedii iyo qaban qaabadeedii iyo diyaarinteedii, waxaanan u soo bandhignaa qaabab kal duwan’’.

Gebo’gabadii Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta Komishanka Xakamaynta HIV AIDS Maxamed Xaaji Yaasiin Siciid ayaa fariin u diray bulshada nugul ee la nool xanuunka HIV AIDS waxaanu ugu baaqay inay ku xidhnaadaan wacyigalinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka si ay ula socdaan fariimaha uu la wadaagayo bulshadaasi iyo si ay uga badbaadaan khataraha xanuunada faafa ee dalka ku soo kordhay sida xumada daran