Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Wakiil Dalka Faransiisku u soo magacaabay Somaliland

0
102

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Maxamed Saxardiid, La-taliyaha Ganacsiga Dibedda oo dawladda Faransiisku u soo magacowday xafiis ay ka furan doonto Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa X ayaa ku sheegay,

“Madaxweynahu waxuu kulan soo dhaweyn ah la yeeshay masuul cusub oo Faransiisku usoo magacaabay, isla markaana u qaabilsanaan doona arrimaha ganacsiga. Somaliland.”

Dr. Keyd ayaa qoraalkiisa raaciyey in kulanka labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta dhinaca xidhiidhka ganacsiga ee Faransiiska iyo Somaliland.

“Madaxweynuhu waxuu soo dhoweeyey iskaashiga ganacsiga Faransiiska iyo Somaliland” ayuu fariintiisa raaciyey Wasiir Ciise.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Faransiiska ayuu goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud.