Wasiirka Warfaafinta JSL oo sheegay in Weerarka Huwantu ku soo qaaday Buq-dharkayn laga soo amray Garoowe

0
95

“Waa nasiib-darro inay Garaadada reer Sool Dadkooda dab iyo dagaal gelinayaan si ay Garoowe nabad u hesho “ Wasiirka Cali-mareexaan

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan) ayaa sheegay in weerarkii ay maanta Kooxaha huwantu ku soo qaadeen deegaannada Buq-dharkayn iyo jiidaha kale ee lagu dagaalamay ay amarkiisa soo bixiyeen Garaadada ka soo jeeda gobolka Sool ee ku sugan magaalada Garoowe, kuwaasoo uu tilmaamay inay uga dan leeyihiin hurinta colaadaasi in lagu qaboojiyo xiisadda salka ku haysa khilaafka Doorashooyinka ee ka taagan Maamulka Puntland.

Md. Cali Maxamed Xasan, waxa  uu tilmaamay in Garaadadii gobolka Sool ka abuuray xasaradduhu ay dhibaatooyin colaaddeed ka wadaan wali deegaamada gobollada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag, isla markaana iyagoo xal u raadinaya muranka siyaasaddeed ee Puntland ay dagaal iyo dab ku humayaan maleeshiyaadka hubaysan ee ka amar-qaata, kuwaasoo beegsanaya  bulshada rayidka ah iyo Ciidamada Qaranka.

Ujeedada ay Garaadadu colaadan u abuureen ayuu ku tilmaamay in kala qaybsanaanta siyaasaddeed ee Puntland xal looga raadiyo daadinta dhiigga iyo dheecaanka bulshada Ood-wadaagta ah ee ku dhaqan dhulka shalay lagu dagaalamay. Sidoo kale ay sii socoto colaadii ay horaantii sanadka u soo waarideen Magaalada Laascaanood.

Afhayeenka Xukuumaddu waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inay kooxaha huwantu caadaysteen been abuur iyo masibaddaad joogto oo ay markasta oo ay weerar soo qaadaan ay ku andacoodaan in iyaga la soo weeraray.

“Maalin walba inta weerar la soo qaado, ayaa la yidhaahdaa waa nala soo  weerarayy oo huwanta beenta ayey ugu badisaa beryahan dambe, laakiinse saaka waa layna soo weeraray. Weerarka waxa amarkiisa bixiyey nimanka Garaadada ah ee Garoowe gaadhay. Waxaanay u bixiyeen amarkaas si ay buuqa ka taagan Garoowe u damiyaan inay dadkooda dab geliyaan. Waa xaqiiqo, laakiinse waxa nasiib-darro ah haddaad dadkaagii dagaal u geliso in Garoowe nabad hesho oo deriskaagii iyo dadkii aad wax wada lahaydeen iyo umad oo dhan aanad dhaafin oo aad la dagaalanto waa dhacdooyinka taariikhiga ah ee ay dagaalladan socdaa soo kordhiyeen”

Wasiirku wuxuu intaas ku daray “Dagaalkaas waxa amray Garaadada Garoowe ka soo hadlay, subaxiibaana waa layna soo weeraray. Dagaal badan ayaana dhacay. Ujeedada weerarkaas loo soo qaadayna waxa weeye si dhexdhexaadinta laga wado dhibaatada ka taagan Garoowe, dadka lagu jeediyo waa layna soo galaye ka kacaay oo colaad la abuuro, ayaa waxaas oo dhibaato ah loo geystay. Markaa Garaadadu in Garoowe nabad hesho ayey dadkoodii dagaal u geliyeen, waana arrin nasiib-darro ah. Markaa waxaan halkan uga sheegayaa shacbiga Somaliland waa in aan innagoo midaysan oo meel u wada jeedno aynu qarankeena difaacno” ayuu raaciyey hadalkiisa Md. Cali Maxamed Xasan (Cali-mareen) oo hadal ka jeedinayey munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Md. Saleeban Yuusuf Cali Koore oo hore u ahaa Wasiirka Warfaafinta.