Wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta Beeraha oo xilkii la wareegay

0
104

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Axmed Maxamed Habane   ayaa shalay  si rasmiya xilkii  ugala wareegay  Wasiirkii hore  ee  Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir  Iimaan Warsame.

Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen
Wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Axmed Maxamed Habane  iyo  Wasiirkii hore  ee  Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir  Iimaan Warsame ayaa waxa ka soo qaybgalay  Wasiirka  Wasaarada  arimaha dibada  Dr.Ciise  Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiir ku xigeenka  Wasaarada beeraha  Maxamuud  Jaamac Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada  shaqogalinta  iyo  arimaha Bulshada  Yurub  Abiib  Cabdi  Agaaasimaha  Koomishanka  Tamarta  Maxamed Maxamuud Cabdi malaw Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada   iyo masuuliyiin kale.

Wasiirkii hore  ee  Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir  Iimaan Warsame oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay wixii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay.Waxaana uu yidhi”Markii aan imid Wasaarada,waxa aan ka bilaabay in aan iskugu yeedho  aqoonyahankii Somaliland ee Beeraha oo fadhiyay maqaaxiyaha oo aan camalhan in aan yidhaahdho taliya.taladii ay bixiyeen ayaa ila hada socoto waxa ku jira rag aduunka ka soo shaqeeyay,”.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Axmed Maxamed Habane oo isaguna  hadal ka jeediyay ayaa waxa uu tilmaamay in sii ambo qaadi doono horumarkii uu Wasaarada gaadhiiyay  Wasiirkii hore.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u mahadnaqayaa Wasiirkaygii saxiibkay oo aan xilka kala wareegayo, waxaana aan si ambo qaadayaa wixii wanaagsanaa ee aad Wasaarada ka qabatay. waxa qorshaysana waanu ku dhaqaaqayaa in aan dhaqaajiyo,”.

Wasiirka  Wasaarada  arimaha dibada  Dr.Ciise  Kayd Maxamuud Raagsaale oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay  in wax wayn Wasaarada ka badalay Wasiirkii  hore.Waxaana  uu yidhi”Wax wayn ayuu ka badalay  Wasaarada horumarinta  Beeraha, Cabdiqaadir Iimaan waa nin aad iyo aad u qiimo leh.waxaana aan u rajaynayaa guul marwalba.waxaana uu khibrad u leeyahay dhismooyinka wadooyinka Beeraha oo kaliya kamuu shaqaynan intii uu Wasiirka ahaa  Siyaasada qaranka qayb weyn ayuu kaga jiray,”.

Sidoo kale Wasiir Wasiir ku xigeenka  Wasaarada beeraha  Maxamuud  Jaamac Warsame  iyo  Wasiir ku xigeenka Wasaarada  shaqogalinta  iyo  arimaha Bulshada  Yurub  Abiib  Cabdi  Agaaasimaha  Koomishanka  Tamarta  Maxamed Maxamuud Cabdi malaw oo hadal ka jeediyay ayaa waxa ay ku amaaneen wixii Wasiirkii hore Wasaarada Beeraha waxaana ay soo dhaweeyeen Wasiirka cusub ee Wasaarada Beeraha.