Wasiirrada Warfaafinta iyo Biyaha oo Xilka la kala Wareegay

0
180

Hargeysa(Dawan):-Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Marreexaan) iyo Saleebaan Yuusuf Cali Koore,ayaa shalay xilka laka kala wareegay.

Munaasibad ay wasiiradu xilalka kula kala wareegayeen oo lagu qabtay wasaaradda biyaha Somaliland ayay ka soo qayb galeen wasiirro,xildhbaano,shaqaale waynaha iyo madaxda labada wasaaradood iyo marti Sharaf kale.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta  dhaqanka iyo Wacyigalinta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan  ayaa shalay  si rasmiya xilkii  ugala wareegay  Wasiirkii hore  ee  Wasaaradaaas Warfaafinta dhaqanka iyo  Wacyigalinta  oo loo Magacaabay Wasiirka  Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf  Cali Koore.

Wasiirkii hore  ee  Wasaarada Warfaafinta  dhaqanka iyo Wacyigalinta ahna Wasiirka  Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf  Cali Koore oo ka hadlay halkaa  ayaa waxa uu sheegay in uu ka marakacayo in Wasaarada warfaafinta ay joogaan shaqaale aqoon leh.Waxaana uu yidhi”Waxa aan kaa marakacayaa in Wasaarada Warfaafinta ay joogaan dad  aqoon leh oo  sharaf leh,manaan soo kala caban intii aan xilka Wasaarada Warfaafinta   joogay.waxaana aanu u wada joognay si gobanima iyo sharaf isixtiraam iyo wada shaqayn,waana Wasaarad milgo iyo sharaf leh waxa aan amaanayaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta,”.

Wasiirka  cusub ee  Wasaarada Warfaafinta  dhaqanka iyo Wacyigalinta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay  in xooga saari doono qaybta Wacyigalinta ee  in Umadda la jiheeyo oo la mideeyo.Waxaana uu yidhi”Waan ogohay aqoonta  taariikhda iyo qalabka yaala Wasaarada Warfaafinta,tartan ayaana jira  waxbana igama  qars