Golaha Guurtida oo Dib u Dhigay Xeerka Isa-saarka Doorashooyinka Qaranka

0
230

Hargaysa(Dawan) Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo bil ah dib u dhiga gudo galka xeerarka isa saarka Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo guddidii loo saaray dhawaan ay soo jeediyeen in mudo bil ah, loogu daro ka shaqaynta Xeerarkaasi.

Fadhigii saaka ee Golaha Guurtida oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gudidii uu u xulay ka soo talo bixinta xeerarka Doorashooyinka, ka codsay inay shaqadii ay qabteen sadexdii maalmood ee u danbeeyay ay la wadaagaan golaha.

ntaasi kadib gudoomiyaha guddida loo saaray ka shaqaynta xeerarkaasi Xildhibaan Maxamuud Xadeed Rooble ayaa Gole waynaha ka codsaday in aanay ku filnayay mudada la siiyay, soona jeediyay in loogu daro muddo bil a waxaanu yidhi

‘’Xeerarkan waxa ay ka kooban yihiin ku dhawaad laba boqol oo qodob, waxa aanu ka shaqaynaynayna waa laba maalmood, xeerarkan waxa la rabaa in la adeegsado sanado badan oo dalka lagu dhaqo, markaa gudoomiye waxaan soo jeedinayaa in aanay nagu filanayn ama aan wax lagaga qaban karin sadex maalmood, waxaanan codsanaynaa in lana siiyo muddo bil ah si aanu si hufan uga baaraandagno’’

Ugu danbayn Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa ku dhawaaqay in muddo bil ah loogu daray gudidad ka shaqaynaysa xeerarka Doorashooyinka Qaranka si ay uga bogtaan shaqo badana ay uga qabtaan waxaanu yidhi

‘’Bishaa ku soo dhammays tira, dib la isugu dirayaana ma jirto, rag baa gacanta ku hayay, xeerkan waxa soo qasay golahaasi kale, boqol iyo toban xeer oo kale ayay ku soo dareen oo cusub, markaa waxa aynu yeelaynaa bishaa ku soo dhammeeya gudoomiyuhu qabsaday

Gebo’gabadii gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa sheegay inuu safar dibad ah u baxayo, intaasina uu golaha sii wadayo gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali.