Xubnaha Golaha Wakiillada Somalland ee ku Sugan Ingiriiska, oo Kulan La Qaatay Dhigooda Dalka UK

0
137

London(Dawan) Xubno ka tirsan Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Hoggaaminayo Gudoomiye ku xgeenka  2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Xildhibaan Cali Xamud Jibril oo ku sugan dalka UK ayaa Xafiiskiisa dhismaha Baarlamaanka Ingiriiska kulan kula yeeshay Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda UK, kaasi oo inta badan u ololeeya qaidayada maxad bannaanida Somailand.

Kulankan oo qabsoomidiisa ay qaybka ahaayeen Gudiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladda Somaliland , Wasaaradda Arimaha Dibadda & Safaaradda Somaliland ee Dalkan UK ayaa ku qabsoomay Jawi aad u wanaagsan.

Kulankan oo ahaa mid aad u Muhiimsan ayaa labada dhinac waxay iska waraysteen xaaladaha guud ee Labada Dal, Doorashooyinka Labada dhinac ee Sanadka Dambe “Doorashooyinka S/land & Doorashooyinka Baarlamaanka Dalkan UK oo ku Beegan Sanadka Dambe” waxaana la isla meel dhigay sidii loogu diyaar-garoobi lahaa Doorashooyinkaas la filayo inay ka qabsoomaan Somaliland iyo Ingiriiska.

Labada Dhinaca waxa kale oo ay ka wada hadleen xaaladaha amniga Badda Cas, Dimoqraadiyadda, Dowlad-wanaaga & Xoojinta Xidhiidhka Labada Gole ee Somaliland & UK, Kulankan oo ku soo dhamaaday jawi farxadeed ayaa waxa isfaham Buuxa ay Labada dhinac ku kala qaateen Shaqooyin u baahan dabagal iyo ka midho dhalin.

Xubnaha Golaha Wakiiladda Somaliland ee ku sugan dalkan UK ayaa kulamo kale la yeelan doona xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka UK iyo weliba hawl-wadeenada Wasaaradda Arimaha Dibada ee dalkan UK, waftiagani inta ay dalkan joogaan waxaa ka go’an inay wakhtigooda fasaxa uga Faa’iideeyaan ka shaqaynta arrimaha lagu hormarimayo Somaliland & Xidhiidhka dalalka Yurub, waftigan waxaa u qorshaysan kulamo kale oo badan oo Muhiim ah.

Kulankan, waxaa Xildhibaanada ku wehelinayey Wakiil ka socda Safaarada Somaliland ee dalkan UK.