Joseph Boakai: Waa kuma madaxweynaha xiga ee beddelaya George Weah-Liberia

0
151

Joseph Boakai, waa 78 jir, waa musharraxii mucaaradka mar la weydiiyey da’da weyn waxa uu ku tilmaamay da’  barako ah. Tartan doorasho oo si dhow loogu tartamay ayuu ku guulayatay.

waa codbixintii ugu adkeyd tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye ee dalka.

Dadka dhaleeceeya waxay u yaqaanaan “Sleepy Joe” ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka seexday xaflado rasmi ahaa oo aanu iman, laakiin Mr Boakai ayaa ballanqaaday inuu soo celin doono rajada Liberia oo uu ka hortagayo “dalka inuu ku dhaco Jar”.

Isaga oo muddo 12 sano ah madaxweyne ku xigeen ka ahaa Ellen Johnson Sirleaf, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah oo madax ka noqota wadan Afrikaan, kuma cusuba sida waddan loo maamulo.

Xiddigii hore ee kubada cagta George Weah oo uu kaga guulaystay tartanka ayaa u hambalyeeyey. Balse wuxuu xilka bilaai doonaa Janaayo 2024 marka loo dhaariyo xilka.

Mr Boakai waxa uu caan ku ahaa odhaah caan baxday taas oo lagu tilmaamay isaga sanadkii 2017 markii uu Mr Weah ka guulaystay waxa uu isku tilmaamay “Gaadhi kuwa tartanka oo la dhex dhigay geerash”,.

Guulihii ugu waynaa ee uu gaadhay wakhtigii uu xafiiska joogay, waxa ay ahayd nabadgalyo buuxda, ka dib ku dhawaad ​​15 sano oo dagaal ah.

Waxa uu dhashay Noofambar 1944kii waxa ay dad badani ugu yeedheen “bilawga is-hoosaysiinta”, Joseph Boakai waxa uu ku koray tuulada fog ee Worsonga, ee gobolka waqooyi ee Liberia, Lofa.

Waalidkiis waxba ma akhriyi jirin, waxna qori jirin.

Mr Boakai waxa uu wax ku bartay dugsi ku yaala dalka aynu jaarka nahay ee Sierra Leone, waxaanu ka qalin jabiyay kuliyada galbeedka Afrika ee ku taala caasimada Liberia ee Monrovia.

Ka dib waxa uu u sii gudbay shahaadada maamulka ganacsiga ee jaamacadda Liberia.

Wareysi uu siiyay idaacada ayuu Mr Boakai ku sheegay in isaga oo dhalinyaro ah uu ka soo lugeeyay Wonsonga una socday caasimada si uu u raadiyo “nolol “.

Mr Boakai iyo xaaskiisa Kartumu waxay leeyihiin afar carruur ah. Isagu waa Baabtiisaha iyo caawiyaha Kaniisadda Baabtiisaha.

Sanadihii 1980-meeyadii Mr Boakai waxa uu ahaa wasiirka beeraha ee Liberia xilligii madaxweynihii xilligaas Samuel Doe, kaas oo si xun loo dilay 1990-kii .

Mid ka mid ah mashruuciisii ​​hore ee uu qabtay waxa uu ka dhacay tuuladiisii ​​hore, halkaas oo uu ku kormeeray oo uu shakhsi ahaan u maalgeliyay dhismaha waddo cusub oo todoba mayl ah (11.2 km).

Waxa uu ka shaqeeyay mashaariic kale sida dugsi loo dhisay 150 arday ah iyo rugo caafimaad oo loogu talagalay bulshada 10 tuulo.

Mr Boakai waxa kale oo uu kormeeray barnaamijka lagu daadejinayo beeraha isaga oo abuuraya xurumo goboleed – mashruuc calaamad u ah Liberia, halkaas oo dad badani ay yihiin beeralayda nolol maalmeedka.

Kadib markii looga adkaaday doorashadii 2017, Mr Boakai waxa uu go’aansaday in uu mar kale isku dayo.

Wareegii koowaad ee doorashadan, Mr Boakai iyo Mr Weah midkoodna ma xaqiijin in ka badan 50% guusha looga baahanaa, sidaas darteed waxa ay isaga horyimaadeen wareeg labaad.

Ololaha Mr Boakai ayaa diiradda lagu saaray beeraha, isaga oo dhanka kale ku eedeeyay maamulka Mr Weah “maamul xumo”. Mr Weah ayaa meesha ka saaray eedeymaha Mr Boakai.

Isaga oo BBC-da uga warramay ujeeddooyinkiisa doorashada ka hor, Mr Boakai ayaa sharraxay inuu doonayo inuu diiradda saaro la-dagaallanka musuqmaasuqa, kobcinta wax-soo-saarka beeraha, hoos u dhigidda qiimaha cuntada iyo hagaajinta waddooyinka dalka.

Wuxuu yidhi “Dadkeennu waxay u baahan yihiin inay helaan dal ay iyagu leeyihiin, dal ay ixtiraami karaan, musuq maasuquna wuxuu noqday caqabad”.

Waxa uu ballan qaaday in ay jiri doonto “Seef qaadi doonta musuqmaasuqa”.

“100-ka maalmood ee ugu horreeya waxa aanu hubinaynaa in aanu jiri doonin gaadhi ku xayiran dhoobada, taasina waxa ay saamayn ku yeelanaysaa qiimaha cuntada iyo xaalada caafimaad ee dadka”.

Madaxweynaha la doortay ayaa sidoo kale balan qaaday in baadhitaan lagu sameyn doono sababaha keenay in qiimaha cuntadu uu sare u kaco, isaga oo dhanka kale sheegay inuu caawin doono beeraleyda.

“Beeraha dalkani waa mid aad u sarreeya, laakiin ma jiraan wax laga qabtay deegaankaas, waxaan ku tiirsannahay wax kasta oo dibadda ka yimaada, tani way isbedeli doontaa, waan ogahay inaan sameyn karno.”

Mr Boakai waxa uu ku tilmaamay safarkiisa uu ku tagayo madaxtinimo in uu ahaa mid dheer,balse waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay in uu caawiyo “malaayiin reer Laybeeriya ah oo loo daayey in ay wajahaan faqri aad u daran,cudurro,jahli iyo amni darro”.