Qulqulka Rohinga oo mar kale dunida qabsaday

0
110

Saddex doonyood oo ay ka buuxaan in ka badan 500 oo qaxoonti Rohingya ah ayaa todobaadkan ka degay gobolka galbeedka ugu xiga Indonesia, sida ay sheegtay hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay, waana dadkii ugu badnaa ee yimaada tan iyo markii Myanmar ay billowday olole millatari oo ka dhan ah kooxda laga tirada badan yahay sannadkii 2017-kii.

Dadka Rohingya ee u badan Muslimiinta ayaa si ba’an loogu dhibaateeyaa dalka Myanmar, kumanaan kun ayaa sanad walba naftooda ku biimeeya safarro dheer oo dhanka badda ah oo qaali ah, kuwaas oo inta badan ku socda doonyo jilicsan, si ay isugu dayaan in ay gaadhaan Malaysia ama Indonesia.

Faisal Rahman oo ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta qaxootiga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in hal doon ay soo gaadhay degmada Aceh ee gobolka Bireuen oo ay saarnaayeen 256 qof, halka ugu yaraan 241 kalena ay gaadheen gobolka Pidie Aceh, doon yar oo siday 36 kalena ay soo gaadhay bariga Aceh.

256-da qof ee la socday doonta Bireuen, 110 ka mid ah waxay ahaayeen haween, halka 60 kalena ay ahaayeen carruur, ayuu yidhi.

Doonta Bireuen dadka deegaanka ayaa laba jeer dib ugu celiyey badda taas oo keentay in ay ku xayiranto xeebta dhowr maalmood, sida uu sheegay Rahman.

“Saraakiisha ammaanka ayaa aqoonsaday markii ay dadku soo degeen,” ayuu yidhi.

Qaxootiga hadda gaadhay  gobolka Aceh waa 800, ka dib markii  ay Salaasadii todobaadkii hore ay yimaadeen 196, isla Arbacadii todobaadkii horena 147 waa sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Wariye ka tirsan AFP ayaa arkay doonida Rohingya oo ku xidhan xeebta Bireuen kadib markii ay soo degeen qaxootiga.

Qaxootigan ayaa lagu hayaa goobo ku meel gaadh ah, waxaanay sugayaan go’aanka maamulka ee ku aadan aayahooda, waxaana inta badan xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Xoghayaha gobolka Bireuen Ibrahim Ahmad ayaa u sheegay warfidiyeenka Axadii in kiisaska qaxootiga ay maamuli doonaan hay’ado kale, isaga oo aan faahfaahin ka bixin.

Magaalooyinka Pidie iyo Marfian, ayaa u xaqiijiyay AFP in doon ay saarnaayeen ku dhawaad ​​250 qaxooti ah.

Mid ka mid ah dadkaasi, oo 20 jir ahaa laguna magacaabo Aziz Ullah, ayaa sheegay inuu ku noolaa xero ku taal Cox’s Bazar, Bangladesh ka hor intii aanay kooxdu soo billaabin safarkooda 16 maalmood ka hor.

“Sababta ka dambeysa safarkayagu waxay ahayd… dawladda Myanmar waxay samaysay rabshado (annaga nagala soo horjeeda) marar badan,” ayuu u sheegay AFP.

“Waxaan rabaa nolol nabad ah, meel kasta, haddii aan halkan ka helo nolol nabdoon, halkan ayaan joogi doonaa.”

Laakiin Hasan Basri, oo ah hogaamiye kale oo ka tirsan bulshada kalluumeysiga ee Pidie, ayaa u sheegay suxufiyiinta inay diidi doonaan dadka Rohingya, isaga oo ku andacoonaya in qaxootigu ay dambiyo hore uga galeen aaggaas.

Kuwa yimid gobolka Pidie waxay soo degeen abaaro 3:00 subaxnimo xilliga maxalliga ah (2000 GMT Sabtida) waxayna soo galeen tuulada ugu dhow ee Kulee iyaa oo ka yimid dhanka xeebta, iyada oo aan ka warqabin dadka deegaanka, ayuu yidhi Basri.

“Mar hore ayay yimaadeen, waxaana waajib nagu ah bini’aadam ahaan inaan siinno cunto iyo cabitaan,” ayuu yidhi.

Ku dhawaad ​​200 oo Rohingya ah ayaa dhintay ama la waayay sanadkii hore iyaga oo isku dayaya in ay ka gudbaan badda halista ah, sida ay hay’addu sheegtay.