Somaliland iyo South Africa oo Ka Wada Hadlay Isu-socodka iyo Arrimaha Dhaqaalaha

0
167

Pretoria (Dawan)- Dawladaha Somaliland iyo South Africa ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha isu-socodlka, Ganacsiga, Maal-gashiga, Tamarta iyo Macdanta iyo sidii Xukuumadda South Africa ay u aqbali lahayd in Passaporka Somaliland lagu galo dalkeeda oo ay u fiisayso muwaadiniinta sidata.

Wefti ka socday Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo uu weheliyo Safiirka Somaliland ee dalkaas Mudane Axmed Jaamac, oo socdaal shaqo ku jooga South Afrika, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Wasiir Ku-xigeenka Madaxtooyadda South Afrika, Mr K Morolong.

Qoddobada kale ee ay isla soo qaadeen waxa ka mid ah; xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, kaalmada Waxbarashada iyo horumarinta adeegyada Biyaha.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaa farxad weyn ii ah intii aan ku sugnaa waddanka South Africa oo aan halwl shaqo ku joogay in aanu kulano muhiima la qaadanay aniga Safiirka Somaliland ee South Africa Axmed Jaamac madax kala duwan oo katirsan Dawlada South Africa. Kulamadaas oo dhammaantood guul iyo isfahan noogu soo dhammaday.

Waxaan ka mid ahaa madaxda aanu la kulanay:-

  1. Wasiir ku-xigeenka Madaxtooyada South Africa (Deputy minister of presidency) Mr K Morolong.
  2. Wasiir ku-xigeenka Shirkadaha (Deputy Minister of Public Enterprises) Mr Obed bapela,
  3. Guddoomiye Ku-xigeenka Sthwane South TVET college Mr. Molesi Ramashala.
  4. Mr. Abner Musaasa – Xubin ka tirsan Guddida Arrimaha caalamiga ah ee xisbul-xaakimka ANC. (Member of ANC international subcommittee).
  5. Ganacsato iyo maal gashadayaal kala duwan.
  6. Mr. Patt – CEO Director of UTHO capital.

Waxyaabihii aanu kawada hadalnay waxaa mid ahaa:-

  1. Sidii ay dawladda South Africa u aqbali lahayd Baasaboorka Somaliland in lagu galo dalkaas.
  2. Ganacsiga iyo Maal-gashiga
  3. Tamarta iyo Macdanta
  4. Iskaashiga Arrimaha Amniga
  5. Xidhiidhada Diblomaasiyadeed
  6. Waxbarashada
  7. iyo Biyaha

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan shacabka iyo dawladda South Africa sidii diiranayd ee ay noo qaabileen.”