Dhismaha Madaarka Boorama oo la bilaabay

0
89

Boorama Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dib u bilawday dhismaha Madaarka Diyaaradaha Aadan Isaaq ee Magaalada Boorama, kaasi oo xidhnaa muddo aad u badan.

Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa shaacisay inay dib u bilawday dhismaha garoonka diyaaradaha ee Boorama, waxaana maanta(shalay) halkaasi ka soctay shaqo culus oo lagu bilaabay dhismaha jidka ay diyaaraduhu adeegsadaan ee (rain way) oo la arkayay gaadiidka ciida qaada oo halkaasi ku mashquulsan si ay u buuxiyaan jidkaasi.

Hay’adda Duulista iyo Madaarada ayaa sidan ku sheegtay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay iyada oo bulshada ku wargalisay in la dhisayo madaarka diyaaradaha ee magaalada Boorama.

Wakhti dhawayd ayay ahayd markii wafti uu hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxaman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ay dhagax dhig ku sameeyeen madaarka Boorama si loo bilaabo dhismihiisa, taasi oo ay dhagax dhigaasi ka jawaabtay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland oo ay haatan bilawday dhismihiisa.

Garoonka diyaaradaha magaalada Boorama ee Aadan Isaaq Airport ayaa xidhnaa wakhti aad u badan, balse waxa jirtay marar badan oo ay Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland ay shaqooyin ka qabatay sida xayndaabka dhuleed ee madaarka oo ay xaqiijisay, balse hadda ay dhismihiisa si rasmi ah loo bilaabay