Xukuumadda JSL oo Shaacisay in ay Dalka Weerar Kusoo Qaadeen Isbaheysi Ka Kooban 3 Dhinac

0
147

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa cambaareysay weerar ay sheegtay inay khamiistii kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban saddex dhinac, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn ee gobolka Sool, islamarkaana lagu waxyeeleeyey dad shacab ah.

“Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ahaa fal wuxuushnimo ah iyo sidoo kale xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.

Weerarka ayey Somaliland sheegtay inay soo qaadeen isbaheysi ka kooban, Al-Shabaab, maamulka Puntland iyo kooxo maleeshiyaadka ee Laascaanood.

“Falkan foosha xun ayaa waxaa mas’uul ka ah maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Isbahaysigan oo taageero ka helaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa taariikh u leh xasillooni dareynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo marar badan colaad iyo rabshado ka abuurayay dhulka Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland ayaa sheegtay in weerarka uu sidoo kale yahay isku day uu maamulka Puntland dareenka uga weecinayo xasaradaha ka taagan gudaha maamulkaas.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ma ogolaanayso inay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee loo adeegsanayo qalab siyaasadeed ahaan,” ayey tidhi Xukuumadu.

“Xukuumadda Somaliland waxaa ka go’an badbaadada iyo nabad-gelyada muwaadiniinteeda, waxaanay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda ku sugan gobolka Sool ee Somaliland.”

Xukuumadda ayaa ugu dambeyn ku hanjabtay in aanay ka laba labeyn doonin inay xuduudaheeda la aqoosan yahay ka difaacdo nooc kasta oo gardarro ah.