Wasiir Sulub: Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa midnimo”

0
121
Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa bulshada reer Somaliland inay u midoobaan xaalada dalka oo uu sheegay in ay adag tahay.
Wasiirka ayaa sheegay in arrimaha xeerka doorashooyinka ay gacanta ku hayaan Golaha Guurtida, loona baahan yahay in aan lagu mashquulin, midnimada umaddana aan lagu lumin xaalad-abuur doorasho.
Waxaanu yidhi.”Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa midnimo, xaalada maanta dalku ku jiraa way adag tahay, xaalada taagan waxaa ka saari kara rag, xukuumada Somaliland way balan qaaday in doorasho dalka dhici doonto.
Hawshii Guurtida ayaa gacanta ku haysa waajibkoodana ka qaadan doonta ee hala samro”