Sirdoonka Qaranka oo beegsanaya dadka fidmada ka abaabula baraha bulshada

0
144
Hay’adda sirdoonka Somaliland, ayaa sheegtay in ay ku daba jiraan dad baraha bulshada ka abuuraya nacayb Bulshada Somaliland dhexdeeda ah.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda, qorshaha dabagalkan ayaa looga gol leeyahay in lagu qabqabto kooxaha fidmo-abuurka ah ee baraha Internetka ku abaabula colaadaha.
Warka ayaa u dhignaa sidan “Hay’adda NIA_IntellSL laanteeda amniga Internet-ka ayaa si weyn isha ugu haysa boggaga baraha bulshada ee lagu daabaco fariimaha xag-jirnimada ah ee bulshada ka dhex abuuraya nacaybka.
NIA waxay cadaaladda horkeeni doontaa dadka maamula mareegahaas bulshada iska hor keenaya”