“Waxaynu ka mid nahay Dalalka ugu nugul xagga isbedelka cimiladda…” C/raxmaan Saylici

0
170

Sida xogaha iyo deraasadaha la sameeyay ay tilmaamayaan Somaliland waxay ka mid nahay waddamdada ugu nugul xagga isbedelka cimiladda.  Waxaana la inooga baahan yahay in aynu qaadno tallaabooyin aynu kaga hor tegayno, ama aynu kaga gaashaamanyano, waxyeeladda ay isbedelka cimiladu keentay, isla markaana aynu kula qabsano.

Xukuumadda Somaliland iyadoo arrintaa dareensan waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah, oo wax ka tari doona la qabsiga, iyo u adkaysiga xaaladaha isbedelka cimiladda ee adduunaydda ku soo kordhay.

Waxaanay golaha wasiirradu ansixiyeen siyaasad qarran oo ka turjumaysa isbedelka cimiladda, lagu na maamuli doono arrimaha deegaanka, iyadoo na uu madaxweynuhu saxeexay bishan aan ku guddo jirno ee November, 7-deedii.

Sidaasi waxaa sheegay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo khudbad ka jeediyay shirwaynaha qaran ee arrimaha Isbedelka Cimiladda Somaliland oo uu Isniintii todobaadkii hore ka furay magaaladda Hargaysa.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa shirweynahaasi isbedelka cimiladda Somaliland, iyo hadaladii ay madaxdu ka jeediyeen.

Shirkaasi oo noqonaya kii labaad, ayaa socday muddo laba maalmood ah waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Soamliland, waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo shirkaasi si rasmiya u furay ayaa sheegay in xogaha iyo deraasadaha la sameeyay ay tilmaamayaan in aynu ka mid nahay waddamdada ugu nugul xagga isbedelka cimiladda.

Waxaanu soo jeediyay C/raxmaan Saylici, in la inooga baahan yahay in aynu qaadno tallaabooyin aynu kaga hor tegayno, ama aynu kaga gaashaamanyano, waxyeeladda ay isbedelka cimiladu keentay, isla markaana aynu kula qabsano.

Saylici, waxa uu xusay in xukuumadda Somaliland iyadoo arrintaa dareensan in ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, oo wax ka tari doona la qabsiga, iyo u adkaysiga xaaladaha isbedelka cimiladda ee adduunaydda ku soo kordhay.

Waxaanay dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen siyaasad qarran oo ka turjumaysa isbedelka cimiladda. Lagu na maamuli doono arrimaha deegaanka.

Waxaanu yidhi “Sida xogaha iyo deraasadaha la sameeyay ay tilmaamayaan, waxaynu ka mid nahay waddamdada ugu nugul xagga isbedelka cimiladda. Waxaana la inooga baahan yahay in aynu qaadno tallaabooyin aynu kaga hor tegayno, ama aynu kaga gaashaamanyano, waxyeeladda ay isbedelka cimiladu keentay, isla markaana aynu kula qabsano.

 

Xukuumadda Somaliland iyadoo arrintaa dareensan waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah, oo wax ka tari doona la qabsiga, iyo u adkaysiga xaaladaha isbedelka cimiladda ee adduunaydda ku soo kordhay.

Waxaanay golaha wasiirradu ansixiyeen siyaasad qarran oo ka turjumaysa isbedelka cimiladda. Lagu na maamuli doono arrimaha deegaanka, iyadoo na uu madaxweynuhu saxeexay bishan aan ku guddo jirno ee November, 7-deedii”.

Wasiir Shukri Baandare, oo furitaanka shirkani hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in lagu dhaqmo shuruucda dalka ee ku saabsan ilaalinta deegaanka, isla markaana ay wasaarradaha iyo haayadaha dawladu ku dhaqmaan.

Shukri Baandare, waxa ay tilmaantay in dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladu ay caalamkoo dhan saamaysay, iyadoo na Hawadda wasakhda ay ku sii daayeen ay dhibaatadeedu saamaysay wadamadda soo koraya.

Waxaanay tidhi “Wax waliba waxay ka unkamaan waa shuruucda dalka u taalla, ee wasaarad walba ay leedahay waa in laga shaqaysiiyo, oo la eeggo in sharcigaasi uu la shaqaynayo isbedelka cimiladda, iyo deegaanka. Haddii aan sharcigaa ay haayadaasi qoratay ee la ansixiyay, waa in ay ku shaqaynaysaa sidee baa loo bad-baadinayaa  maanta deegaankeenna.

Haddii aanay ku jirin siyaasadaadda waa in aad ku soo darsataa, oo aad ku shaqaysaa. Wadamadda 300 ee sanadood Hawadda soo kharibayay, ee inaga imika ay inagu dhacday dhibaatadeedu, inaga ayaa ka darran oo sii kharibayna.

Markaa waa in aynu isku tacalujinayo sidee baynu u noolaanaynaa? Si aynu u noolaano, waa in aynu wax bedelnaa. Saddex baa wada socda had iyo jeer, waxa loo yaqaano la qabsiga, marka labaad na in aad u yeelato Adkaysi, mar saddexaadkana inaad ka shaqayso. Saddexdu ba way is daba socdaan. Saddexdaa hadaynu ku dedaalno oo ka shaqaysiino, meel baynu gaadhaynaa”.

Waxa kaloo ay wasiirku ka hadashay faa’iidadda ay dhirtu leedahay iyo sida aanay bulshadeenu ugu baraarugsanayn ee ay u jarayaan dhirtii dalkeena, taasoo sababaysa in ay sii korodho waxyeeladda soo gaadhaysa deegaankeenna.

“Geedkiiba waxa uu masruufayaa, oo u shaqaynayaa 10 qof, markay Jiridiisu weyn tahay. Markay intaa ka yar tahay na 5 qof buu u shaqaynayaa. Maalin walba na waxaynu soo goynaynaa wixii inaga ina anfici lahaa, ee Hawadda inoo sifayn lahaa. Waxaynu ku celinayno ee aynu beeraynaa na waa wax aad iyo aad u yar, oo kooban baynu ku celinaynaa. Waa inta aanu anagu beerno, iyo inta qof qofka is xil qaamaa uu beerro.

Maanta inagu haddii aynu nahay Somaliland, cudur daar noqon mayso la ima aqoonsana ma aha wax inaga iibsamaya, la inaga aqbali mayo dhaqaalahayga ayaa hooseeya, oo danta ayaa igu kalifaysa. Markaad anigu dhirtii jarto, ee dhamayso, maxaad uga tegaysaa Ubadkeenna danbe” ayay tidhi Shukri Baandare.

Dhinaca kale wasiir Shukri Baandare, ayaa ka hadashay shirka isbedelka cimilada adduunka ee 28-ka bishan ka dhacaya Dubia, iyo u jeedada ay madaxda caalamku shirkaa ka leeyihiin.

Waxaanay tidhi “Arrinta isbedelka cimiladda waatan adduunyadu ka hadashay, waa na ta 28-ka bishan November, Dubia lagu qabanayo shirka weyn ee COP28. 70, 000 oo qof ayaana shirkaasi isugu iman doona. Waxaanay danaynayaan wax inaga dhexeeeya, waana cimiladda adduunka ee isbedeshay. Meel keliya iskama ay bedeline, caalamka oo dhan ayay iska bedeshay. Waa na in aynu ku dhaqano waxa ka soo bixi doona shirkaasi”.