Dowlada Hoose ee Gabiley oo Dhul Dan-guud ah ku wareejisay gudida Jaamacadda Al Cirfaan ee Arabsiyo

0
126

Gabiley (Dawan) Duqa golaha degaanka ee degmada Gabiley Maxamed Aamin Cabdi Cumar, ayaa dhul hal balooga ku wareejiyay guddida gacanta ku haysa dhisamaha Jaamacadda Aqoonta Diinta Al Cirfaan ee Magaalada Arabsiyo, waxaanu sheegay in ay doonayaan in qayb mihiima ka qaadato dhammeystirka Jaamacada.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay rajjo weyn ka qabaan ka gole degaan ahaan inay dhammeystiranto, waxaanu tilmaamay in hadda gaba-gabadii ay marayso, isla markaana waxa ay ku wareejiyeen wax ka badan loo baahan yahay, waxaanu bulshada ka codsaday in laga soowada qayb qaato dhammeystirka Jaamacadaasi.

Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mida gudida gacanta ku haysa dhisamaha Jaamacadda Aqoonta Diinta Al Cirfaan ee Magaalada Arabsiyo, ayaa sheegay in dhulka danta guud ah ee golaha degaanka degmada Gabiley ay ku kaalmeeyeen ay noqonayso Kaalmo dadka Somaliland ku nool oo dhami qofba meel ka galayo.

Golaha degaanka degmada Gabiley ayuu uga mahadceliyay, waxaanu ILLAAHEY uga baryay in wax ka khayr badan uu ugu badalo, waxaanu intaas ku daray in aanay marnaba ka gacan lahayn dowladda hoose ee degmada Gabiley, waxaanu caddeeyay in shidaalka gaadiidka u shaqaynayay hirgelinta Jaamacada ay bixiyeen.

Gaba-gabadii maayerka golaha degmada Gabiley iyo golihiisa degaanka ayuu ka guddoomay dhulka ay ugu talo galeen in uu qayb ka noqdo dhammeystirka Jaamacada Aqoonta Diinta Al Cirfaan ee Magaalada Arabsiyo.