Maxaabiis kale oo ay Shalay is Weydaarteen Israa’iil iyo Xamaas

0
106

13 Isra’iiliyiin ah iyo afar muwaadin oo u dhashay Thailand ayaa aroonimadi hore ee Axaddii shalay gaadhay Israel, kaddib marki ay habeen hore sii daayeen Xamaas oo afduub ugu heystay Gaza.

Israel ayaa dhankeeda sii deysay 39 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyadeeda, kuwaas oo iyaguna shalay aroortii hore gaadhay Daanta Galbeed. Sii deynta tobnaanka qof ee labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiis xabad-joohin afar maalin ah oo ay gaadheen Israel iyo Xamas, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen millatariga iyo waaxda amniga gudaha Israel ayaa lagu sheegay, in Isra’iiliyiinta lasoo daayay loo qaaday isbitaallada si loogu sameeyo baadhitaan caafimaad, kaddibna ay la midoobi doonaan qoysaskooda.

Dhanka Ramallah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP, boqollaal qof ayaa soo dhaweeyay bas weyn oo uu leeyahay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel habeen hore. Wakaaladda wararka Reueters ayaa iyaduna sheegtay in 33 ka mid ah 39-ka lasoo daayay ay carruur yihiin.

Shalay oo Axad ah iyo maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la dhameystiro sii deynta dadka ay kala heystaan labada dhinac. Heshiiska xabbad joojinta ayaa ku eg Talaadada.