Dugsiyada Yaabka Badan Ee Caalamka!

0
114

Dugsiga Brooklyn free School waxa uu ku yaala dalka Maraykanka gaar ahaan Brooklyne oo ka tirsan Newyork. Dugsigan ayaa la sheegay inuu ixtiraamayo dimoqraadiyada waxaana la asaasay sanadkii 2004.  Ardayda dugsigan dhigta waxa ay da’doodu u dhaxaysaa 4–18 sano. Dugisgani manahjkiisu ma raaco waxbarashada nidaamsan iyo habka fasalada tooska ah. Waxa uu adeegsada falsafadii dhaqdhaqaaqa xorta ee soo baxday sanadadii 1960- 1970, taasi oo ah in aan ardayga lagu  khasbin waxbarashada  lana ilaaliyo xoriyaddiisa.

Brooklyne free school ardayga kama qaado imitixaan, waxaana u uxor u yahay inuu maqnaado iyo inuu yimaado labada. Ardayda waxa uu dugsigan uu ogol yahay inay ku sameeyaan waxyaabaha ay xiisaynayaan, kuwaasi oo laga caawiyo sidii uu ugu guulaysan lahaa.

Ardayda ayaa dugsiga ku soo bandhiga sawirada waxyaabaha ay jecel yihiin iyo hibooyinka ay leeyihiin. Macalimiinta dugsigani ma ciqaabaan ardayda, mana canaantaan.

Agaasimaha dugisgan Mr.Alan Berger, oo hore u ahaa ku-xigeenka maamulaha dugsiga sare ee Manhattan ayaa fikraddan  dugsigan keenay. Berger waxa uu fikradiisa dugsiga ku daabacay bishii Oktoobar 2003 wargeyska Park Slope Food Co-op.

Isla markiiba  dad gaadhaya 170 qof ayaa muujiyey xiisaha ay u qabaan dugsiga noocan ee bilaashka ah.    Dugsigan ardayda isu qortay sanadkii 2015 ayaa gaadhay 80 arday waxaana ka qalin jebiyay wakhtigan arday dhan 24.