Qiimaha Hadalka!

0
146

Rasuulka Allah (scw) ayaa xadiiskan soo socda ku tilmaamay odhaahda iyo qiimaha ay u leedahay qofka Muslinka ah waxaana uu yidhi:

โ€œAdoonka Allah iimaankiisu ma toosnaado , xaqana kuma qumanaado ilaa uu qalbigiisu toosnaado, qalbigiisuna ma toosanaado ilaa uu carabkiisu toosnaado ( hadalkiisu fiicnaado)โ€ . werin Axmed

Xadiiskaasi wuxu tilmaamaya kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaato hadalka wanaagasan iimaanka iyoย  kobcintiisa, isla markaana wuxu astaan u yahay hadalka fiicani inuu wanaagsan yahay qofka qalbigiisa iyo iimaankiisu. Waana in qofka muslinka ahi xakameeyo carabkiisa oo aanu ku dhibin dadka kale ee muslimiinta ah sida xanta, xumaan sheegidda, isku dirka iwm.