Go’aanada Iyo Saamaynta Nolosha!

0
151

Masiibooyinka deegaanku aad ayay ugu ku badan taariikhda aadanaha. Masiibooyinka deegaan ee ugu khatarsanaa ee qorsha xumida aadamigu sababay waxa  ka mid ah masiibadii ka dhacday sanadkii 1958 dalka Shiinaha.

Hogaamiyihii Shiinaha Mowtiston ayaa amar ku bixiyay in la dabarjaro dhamaan noocayada shimbiraha dalagyada cuna, sababtuna waa iyagoo saamayn weyn ku yeeshay  in ay yaraadaan dalagayada soo go’a. Waxaana uu intaasi ku daray in shimbiruhu ay saddex sano hortaagnayeen horumarka Shiinaha.

MaoTiston wuxuu ku dhawaaqay aasaaska Jamhuuriyadda casriga ah ee Shiinaha, Oktoobar 1, 1949.

Sida lagu daabacay website “thevintagenews” dabargoynta shimbirtan ayay ka dhalatay masiibo deegaan oo aad u xanuun badnayd.

Beeralayda ayaa bilaabay inay dilaan tobanaan kun oo shimbiro , iyadoo qofkii soo dilaya ay dawladdu siinay abaalmarin loona aqoonsanayay geesi qaran.

Haddaba dabargoynta shimbirahan waxa ay sababeen masiibo deegaan oo aan hore looga fikirin.

Waxaana dalagyadii ku faafay Ayaxa ay shimbiruhu cuni jireen oo markii dambe si xun ugu faafay dalka oo dhan, waxaana uu baabi’iyay dalagyadii beeraha ka soo baxay oo dhan si ka badan qiyaastii shimbiruhu cuni jireen.

waxaana tani ay ka mid ahayd sababihii ugu waaweynaa ee keenay abaartii Shiinaha ee 1961-kii, taasoo horseeday dhimashada shan iyo toban milyan oo qof.

Arintani waxa ay ka dhalatay waxyeelada deegaanka loogu geystay sida ula kaca.

Ayaxa ayaa kor u kacay ooxad dhaafay waxaana uu cunay wax kasta oo jidinkiisa marayey, wax soo saarkii dalagayadii hadhuudhka ayaa ku baaba’ay inta badan dhulka miyiga.

Intaasi ka dibna waxa bilowday macaluul baahsan, dadkuna waa ku dhamaadeen, tirada rasmiga ah ee dhimashaduna waxay ahayd 15 milyan, hase yeeshee warbixinaha qaarkood ayaa ku qiyaasay in dhimashadu in ay gaadhay 45 ama xitaa 78 milyan.

Hogaamiyuhu tallaabo kasta oo uu qaadayo waa in dadka aqoonta u leh kala tashado si ay u saadaaliyaan waxa ka dhalan kara faa’iido iyo khasaaro.   Mar danbe ayaa la ogaaday in Shimbirta ay ka jeceshahay cunista Ayax dalagayada hadhuudhka, halka Ayaxuna waxa keliya ee cunaya ay ahayd Dalagayda isagoo weliba ka badan shimbiraha.

Go’aanka waxa uu keenay deegaankii oo shimbirka faa’idada lahaa laga dabar gooyay laguna xoojiyay Ayaxii dalagyada dhibta ku hayay.