Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ka Socda UN-ka

0
170

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Qaramada Midoobay, kuwaasi oo mashaariico kala duwan dalka ka hirgaliyay, isla markaana qarankan ka taagera dhinacyo badan.

Kulankan ayaa muddadii uu socday lagaga wada-hadlay wajiga afraad ee mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG-ga oo la filayo in uu sannadka cusub 2024 bilaabmo iyo in qiimayn lagu sameeyo mashruucii hore ee JPLG-ga iyo sida uu uga shaqeeyay Dawladaha hoose ee dalka.

Waftigan ka socday UN-ta ayaa Somaliland kala shaqeeyay ama ka taageera mashruuca maamul daadejinta dawaladaha hoose ee JPLG-ga, kaasi oo kor u qaaday Tayada maamul ee dawladaha hoose, dhiirigaliyayna in ay bulshadu helaan adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada.

Sidoo kale waxa kulanka lagu falanqeeyay wajigii saddexaad ee dhammaaday waxyaabihii guud ahaan qabsoomay iyo caqabadiihii ka hor yimi iyo sida loo xalin karro iyo sidii casharo looga baran lahaa waxaabihii ka qaldamay mashruucaasi hore s ikan danbe loo hagaajiyo.

Gebo’gabadii kulankan ayaa ku soo dhammaaday jawi degan kaasi oo dhanacyadu ay isla qaateen sidii looga wada shaqayn lahaa ka midho dhalinta mashruuca balaadhan ee JPLG-ga kaasi oo wax wayn ka taraya sidii loo hagaajin lahaa loona gaadhsiin lahaa bulshada maamulka dawladaha hoose, si bulshadu u hesho adeegyada nolosha muhiimka u ah.