Taliyaha Ciidamadda Qaranka oo Booqday Fadhiisinka Ciidanka ee Qori-lugud iyo Maygaagle

0
167

Qurilugud (Dawan) Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa kormeer hawleed ku tagey xeryaha ciidamada Qaranku ka degan yihiin degaanada Qorilugud iyo Maygaagle, halkaasi oo mudooyinkii u danbeeyay ciidanku hawl galo difaaca dalka ay ka fulinayeen.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Xeryaha Qorilugud iyo Maygaagle ayaa taliyaha warbixin ka siiyay hawlaha ay ciidamadani Qaranka u hayaan oo ay ka mid yihiin sugida amniga iyo xaqiijinta nabadgelyada degaanada ay fadhiisimaha ku leeyihiin, kuwaasi o wakhtigan danbe xaaladda nabadgelyo darro ay ku soo koradhay.

Taliye Nuux ayaa ciidamada iyo saraakiisha, fadhiisimada Qorilugud iyo Maygaagle ku amaanay doorka ay ka qaataan sugida ammaanka degaanada ay joogaan, waxaanu ku booriyay in dadaalkooda ay ka sii libin laabaan sidii hore, si looga hortago cidkasta oo nabadgelyada wiiqi karta.

Taliyaha ayaa wali ku guda jira kormeerkii ahaa dhiirigalinta iyo garab istaaga Ciidanka ee gobolada bariga Somaliland, si loo dhiso qiyamka iyo quluubta ciidanka Qaranka eek u hawlan sugida iyo ilaalinta guud ahaan nabadgelyada dalka.