Xukuumadda JSL oo Hawl-gelisay Dufcadii Afraad ee Shaqo Qaran

0
127

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Khaalid Jaamac Qodax ayaa shaaciyay inay hawl-galiyeen dhammaan ardaydii dufcadii afraad ee Barnaamijka Shaqo Qaran, kuwaasi oo lagu meeleeyay wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dalka.

Kulankan shaacinta dufcadii 4-aad ee ardayda Shaqo Qaran ayaa ka qabsoomay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawlada, halkaasi oo ay goob joog ahaayeen masuuliyiinta ugu sareeya Hay’adda Shaqaalaha dawladu, waxaanay sheegeen in mudooyinkii u danbeeyay ay ku hawl lanaayeen hubinta iyo kala saarista aqoonta ardayda shaqo Qaran, si loo meeleeyo.

Ardayda dufcada afraad ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladu meelaysa ayaa tiradoodu dhan tahay 483 arday, kuwaasi oo loo qaybiyay 29 xafiis oo ka kooban wasaaradaha iyo Hay’addaha dawlada.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo shaacinaya meelaynta dufcadii 4-aad ee Shaqo Qaran ayaa waxa uu yidhi

‘’maanta waxaanu u fadhinaa meelayntii ducadii afraad ee Barnaamijka Shaqo Qarano o runtii ah Barnaamij la mahadiyay, hirgaliyay hiigsigii iyo himilooyinkii, hal abuurkii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi eek u dhisnaa in la sameeyo shaqo abuur loona sameeyo dhalinyarta Jaamacaddaha ka baxda sanad kasta in runtii barnaamijkii halkiisii ka sii socdo oo maanta dufcadaasi afraad oo tiradoodu dhan tahay 483 aanu kala meelaynay, kuna meelaynay 29 xafiis oo ah wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawlada, inay ka shaqay doonaa 170 dumar ah iyo 313 rag ah kuwaasi oo wadartooda guud ay noqonayso 483 shaqaale ka mid noqday shaqaalaha rasmiga ah ee Qaranka.

Hay’adda Shaqaaluhu marka uu ardaygu u soo gudbo ee uu ka soo gudbo carbiska, waxa ay hubisaa kaadhkooda Shaqo Qaran, kaadhkooda Muwaadinka Somaliland iyo sidoo kale shahaadooyinkooda waxbarasho iyo bad-qabkooda caafimaad iyo in ay danbi la,aan yihiin, intaasi ka dib waxa lagu qoraa qof kasta iyada oo loo eegayo aqoontiisa, xirfadiisa iyo waayo’agarnimadiisa iyada oo loo eegayo wasaaradda uu qofkaasi munaasib ku yahay in markaasi lagu qoro’’.