Dubai: Madal lagu soo bandhigay fursadaha maal-gelinta Somaliland

0
129
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare) oo ku sugan dalka Imaaraadka, kadddib markii ay Shirka Isbadelka Cimiladda Adduunka ee ka socda magaalada Dubai ka qaybgashay, ayaa iyadoo ay socdaan  kulamo ay weftigeedu  la qaadanayeen wufuud ka socota caalamka oo qayb ka ah  Shirka COP28 ayaa waxay maanta ka qayb-galeen kulan ay soo qaban-qaabisay Shirkada DP World, kaas oo lagaga hadlayey sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Somaliland.
Kulankaasi oo ahaa mid heerkiisu sareeyo waxa ka soo qayb-galay dalal iyo shirkado maalgashi oo danaynaya Somaliland, waxaana intii uu socday lagu soo bandhigay maal-galinta ay shirkada DP World ka hirgalisay Somaliland , gaar ahaana balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, dhismaha wadada Berbera Corridor iyo mashaariicaha kale ee shirkadaasi ka fulisay Somaliland.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa ka warantay fursadaha maal-gashi ee ka banaan Somaliland, iyadoo xustay in Somaliland tahay dal dihin oo u diyaara in la maal-gashado, kaas oo ay u dhamaystiran yihiin dhammaan shuruucdii lagu hagayey maal-gashiga.
Kulankaasi waxa kale oo goob-joog ka ahaa Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, Maayirka Magaalada Bebera, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda iyo xubno kale.
Sidoo kale waftiga wasiirku ay hogaaminayso waxa ay booqdeen dekedda Jebel Ali, taas oo ay u kuur-galeen qaabka ay u shaqayso.