Sideen Dareenka Caruurta U Dhowraa?!

0
126

Daraasad cusub ayaa muujisay in khilaafka waalidka ee joogtada ah uu caruurta ku keeno faham xumo io niyad jaba. Cilmi baadhistaย  waxay intaa ku dartay in caruurta khajilaadda badan ay si gaar ah u saameyso murannada waalidka. Intii daraasadda lagu gudha jiray ayaa waxay lala kumay 99-caruur ah oo daโ€™doodu u dhaxayso 9 ilaa 11-sano jir, taasi oo muujisay in caruurta dagaalka waalidkoodu badan ay ku adkaato inay fahmaan dareenka dadka kale, halka caruurta ku dhaqan guryaha xasilloon ay si wanaagsan u fahmaan dareenka dadka kale.

 

Professor Alice Schermerhornย oo ka tirsan Jaamacaddaย Vermont, oo hoggaaminaysay daraasaddan ayaa sheegtay in natiijooyinkan soo baxay ay si cad u muujinayaan muranka joogtada ah ee labada waalid ay burburineyso caafimaadka maskaxda ee caruurta, iyadoo Xitaa isku dhaca yar ee caadiga ah aanu u wanaagsanayn. Waxaana ay horseedaa in caruurta ay ka dhigto kuwo belaayo sugayaal ah oo wanaaga aan filanba.