Qodobadda War Murtiyeedkii Laga Soo Saaray Shirweynihii Qaran Ee Isbeselka Cimiladda JSL

0
96

Dhibaatooyinka  ay wadamadda horumaray u gaystaan deegaanka waxay Somaliland ku keentay in ay noqoto mid ka mid ah dalalka ay aadka u saamaysay isbedelka cimiladu.

Iyadoo na ay taasi keentay dhibaatooyin ay ka mid yihiin Abaarro daba dheeraadda, Daadad, iyo duufaano, aan geyiga Somaliland hore uga dhici jirin.

Sidaas darteed, Somaliland waxay bulshadda caalamka ugu baaqaysaa in tixgelin gaara la siiyo marka la qorshaynayo dhaqaalaha lagu bixiyo, mashaariicda horumarineed ee wadamadda Geeska Afrika, iyo guud ahaanba dalalka qaaradda Afrika.

Waxaa sidan lagu sheegay qayb ka mid ah war murtiyeedka qodobadii laga soo saaray shirweynaha qaran ee isbedelka cimiladda Somaliland oo 22-kii bishii hore lagu soo gebagabeeyay caasimadda Hargaysa.

War murtiyeedkii shirkaasi laga soo saaray oo 13 qodob ka koobnaa, ayaa bulshadda loogu soo jeedinayay in loo midoobo sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana loo abuuri lahaa jawi lagu la jaan-qaadayo isbedelka cimiladda ee dhulkeenna.

Waxa kaloo qodobadii shirkaasi laga soo saaray ku jiray in la dhiiri geliyo isticmaalka Tamarta cagaaran, gaar ahaana Gaasta, iyo tamarta kale ee bedelka u noqonaysa Dhuxusha, si looga hor tago in dhirta la jaro.

War muetiyeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

1: Shirku wuxuu garawsaday in ay jirto faham darro dhinaca isbedelka cimiladda ah ee bulshadda, taasina waxay saamayn taban ku yeelatay bulshadda Somaliland. Sidaa darteed shirku wuxuu soo jeedinayaa in loo midoobo sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana loo abuuri lahaa jawi lagu la jaan-qaadayo isbedelka cimiladda ee dhulkeenna.

2: In haayadaha dawladda, kuwa caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, iyo guud ahaanba bulsho weynta reer Somaliland ay doorkoodda kala duwan ka qaataan hirgelinta, iyo fulinta siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladda JSL.

3: Dhibaatooyinka wadamadda horumaray ay u gaystaan deegaanku waxay Somaliland ku keentay in ay noqoto mid ka mid ah wadamadda ay aadka u saamaysay isbedelka cimiladu, iyadoo keentay abaarro daba dheeraadda, Daadad, iyo duufaano, aan geyiga Somaliland hore uga dhici jirin. Sidaas darteed, Somaliland waxay bulshadda caalamka ugu baaqaysaa in tixgelin gaara la siiyo marka la qorshaynayo dhaqaalaha lagu bixiyo, mashaariicda horumarineed ee wadamadda Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Afrika.

4: Shirweynuhu wuxuu dhiiri gelinayaa isticmaalka Tamarta cagaaran, gaar ahaana Gaasta, iyo tamarta kale ee bedelka u noqonaysa Dhuxusha, si looga hor tago in dhirta la jaro.

5: Shirku wuxuu bahda aqoon yahanka, iyo jaamacadaha ugu baaqayaa in ay deraasadaha ay samaynayaan ay mudnaanta siiyaan arrimaha la xidhiidha deegaanka, isbedelka cimiladda, iyo bulshadu sida ay isugu xidhan yihiin, cilmi-baadhistaasi oo wax weyn ka taraysa sidii aynu ula jaan-qaadi lahayn isbedelka cimiladda.

6: Shirweynuhu wuxuu dawladaha hoose ee dalka ugu baaqayaa in farsamadda kaabeyaasha dhismaha ee ay samaynayaan u eegaan inuu yahay mid la jaan-qaadaya waaqica, iyo wacyiga jira ee isbedelka cimiladda.

7: Shirku wuxuu isku raacay in la qabto shir qaran oo lagaga hadlayo ilaalinta kala-duwanaanshiyaha nolosha, iyo maaraynta dhul-daaqsimeedka, iyo Seereyaasha dalka (National Biodiversity and Rangeland meeting), si loo dhiiri geliyo dedaaladda lagu ilaalinayo, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo bulshadda xoolo dhaqatadda ah.

8: Shirku wuxuu dhiiri gelinayaa in xalalka dhibaatooyinka loo raaco arrimaha la xidhiidha deegaanka, iyo dabeecadda (Nature-based solutions).

9: Shirku wuuu dawladaha hoose ee dalka ugu baaqayaa in ay magaalooyinka dhirayn balaadhan ku sameeyaan, si looga hor tago heer kulka sare u sii kacaya ee ay sababayso isbedelka cimiladu.

10: Shirku wuxuu soo jeedinayaa in sanduuq dhaqaale loo sameeyo deegaanka, iyo isbedelka cimiladda (Special Climate Fund), kaasi oo lagu kabayo miisaaniyadda wasaaradda deegaanka, iyo isbedelka cimiladda, si ay ugaga shaqayso isu-duwida iyo horumarinta deegaanka, iyo adkaysiga bulshadda ee isbedelka cimiladda.

11: Shirweynuhu wuxuu ganacsatadda iyo qurbe jooga Somaliland ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan ka faa’iidaysiga mashaariicda deegaanka lagu ilaalinayo.

12: Shirweynuhu waxa uu bulsho weynta Somaliland ugu baaqayaa in ay yareeyaan isticmaalka Bacaha deegaanka waxyeelaya, isla markaana ay u hogaansamaan siyaasadaha, iyo shuruucda wadanka u dejisan, si loo gaadho yoolka magaalooyinka leh deegaan bed-qaba, cagaarran, oo nadiif ah.

13: Ugu danbayn, shirweynuhu wuxuu wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimilada ku bogaadinayaa joogtaynta shirka isbedelka cimiladda Somaliland. Waxaana la isku raacay in gogosha la balaadhiyo oo la qaban qaabiyo shir noociisa ah oo ay qayb ka noqdaan wadamadda jaarka la ah Somaliland ee ay ina wada saamaysay isbedelka cimiladu (Regional Climaye Summit).

Dhinaca kale shirweynahi ayaa la qabtay 20-kii bishii November, isla markaana la soo xidhay 21-kii isla bishaasi waxaa soo agaasintay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland oo kaashanaysa haayadaha ay bah-wadaagta yihiin.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay madax, iyo masuuliyiin ka kala socday haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee dalka ka hawlgalla, diblomaasiyiin, aqoon yahanada jaamacadaha dalka, dhalinyarrada ururada u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka, iyo marti sharaf kale.

Mudadii labada maalmood ahayd ee uu shirku socday ayaa la isku waydaarsaday dood cilmiyeedyo ku saabsan deegaanka, iyo isbedelka cimiladda, iyadoo sidoo kalena intii shirku socday lagu soo bandhigay daraasado laga sameeyay xaaladaha deegaanka dalkan jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa intii shirku socday lagu lafo-gurray mawduucyo muhiim u ah in si wada jir ah wax looga qabto dhibaatooyinka saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda ee dalkeena ku gedaaman.