Somaliland oo Dib ugu Celisay Dalkoodii Muwaadiniin Itoobiyaana

0
147

Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 31 qof oo u dhashay dalka Itoobiya dib ugu celisay dalkoodii, kuwaasi oo in muddo ah ku sugnaa gudaha dalka.

31 qof oo u dhashay dalka Itoobiya, ayaa saaka laga anbabixinayey Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal Airport, kuwaasi oo iyagu si iskooda usoo dalbadeen in dalkoodii dib loogu celiyo si ay halkaasi ugu noolaadaan.

Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka JSL, oo kaashanaysa Hay’adda IOM ayaa hawshaa fulisay, dadkaasina ka mababixisay gudaha Somaliland si ay u tagaan dalkoodii.

Dhinaca kale waxaa jira qulqul bulsho oo ka imanayo dhinaca dalka Itoobiya kuwaasi oo ka soo gudba xuduuda labada dal u dhaxaysa, xadkaasi o ah mid aad u dheer oo ay labada dalka si iskaashi ah uga wada shaqeeyaan amnigiisa.

Dadkan ayaa u kala baxa dhawr qaybood, qaar waxa ay ku nagaadaan Somaliland gudaheed iyaga oo shaqooyin kala duwan ka qabta magaalooyinka dalka, halka qaar kalena ay sii dhaafaan dalka iyaga oo sii maraan badda cas, waxaanay u haajiraan dalka Sucuudiga iyo Yemen.

Gudaha suuqayada Hargeysa, Boorama, Burco, Berbera waxaa buux dhaafiyay dad u badan muwàadiniin Itoobiyaan ah oo qaar ay dadka wax weydiisanaya iyo kuwa si iskooda u shaqaysta.

Balse waa dhif iyo naadir in bulshada ka soo jeeda Itoobiya inay si iskooda u dalbadaan in dib loogu celiyo dalkoodi hooyo ay sida maantaba dhacday oo kale.

Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo ay ka dhaxeeyaan xidhiidh dhaqan dhaqaale, waxaanay wadaagaan waxyaabo badan, labada dal waxa ka dhexeeya xidhiidh adag oo dhinac kasta ah.