“Cadawga Somaliland isu Soo Bahaystay Waynu ka Guulaysanaynaa” Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax

0
132

Qorulugud (Dawan)- Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqday fadhiisimada Ciidamada qaranka iyo Ciidamada Madaniga ah ee deegaamada Maygaagle iyo Buqdharkayn.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan ayaa waxa uu sheegay in kormeerkiisu la xidhiidhay u kuurgalka xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada qaranka iyo Ciidamada Madaniga ee ku sugan jiida hore.

Xildhibaanka oo ka hadlayay u jeedada socdalkiisa ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu u soo guuraynay in xaalada aad ku sugan tihiin aanu soo indho indhayno, Ciidanka halkan ku sugan ee culayska badani ku dhacay heeganka u ah difaaca dadkooda in aan u muujiyo garab-istaag. Aad ayaad ugu mahad santihiin difaaca qarankiina, waana in aad halkaa ka sii wadaan sharaftiina aad ilaashanaysaan.”

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax waxa uu intaasi raaciyay “Somaliland cadaw badan ayay leedahay, waxaanay isu soo kaashadeen in ay Somaliland wiiqaan, laakiin Insha Allaah waynu ka guulaysanaynaa. cidda dalkan iyo qarankani ku faanayaa waa idika ee heeganka ugu jir difaaca dalkooda. Haddii nabadgalyo la waayo in aynu is difaacno waa waajib ina saaran, hiil iyo hooba waanu idinla garab taaganahay. cadawga Somaliland waynu burburin doonaa aniga Hargeysa ayaa layga soo doortay wixii hiila waan idila garab istaagi doonaa jiida oo dhan ayaan marayaa hilbo wada dashiyo hayb qudha ayaynu nahay”.