Inagu Somaliland ahaan 16.2% ayaynu Isticmaalnaa Tamarta Ka Soo Baxda Dabaysha iyo Qoraxda” Wasiir Shukri

0
82

Shirweynaha Isbedelka Cimiladda Adduunka ee ka socda magaaladda Dubia, ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayay weli madaxdu ka doodayaan dhibaatooyinka ka dhashay cimiladda xumaatay.

Shirkaasi oo furmay 30-kii bishii ina dhaaftay ee November, ayaa socon doona ilaa 12-ka bishan December, kaasoo ay furitaankiisii ka soo qayb galeen madax fara badan oo caalamka isaga kala yimid.

Jamhuuriyadda Somaliland oo shirkaasi lagu casuumay waxaa uga qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo xubno kale.

Wasiir Shukri Baandare, oo shirkaasi ka warbixisay ayaa sheegtay in ay fursad weyn u tahay in madaxda caalamka la gaadhsiiyo dedaaladda bad-baadinta deegaanka ee ay Somaliland ku hawlan tahay.

Waxaanay tilmaantay in doodaha ay ka qayb galeen ay ahaayeen kuwo khuseeya arrimaha deegaanka Somaliland oo ay wax ka faa’iidayaan.

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa qayb ka mid waraysi ay warbaahinta qaranka shirkaasi ka siisay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Baandare.

Shukri Baandare, oo ka mid ah wufuudda shirweynahaasi lagu soo marti qaaday ayaa doodda ay ka qayb gashay waxaa lagaga hadlayay Arrimaha la xidhiidha Tamarta Dib Isku Cusboonaysiisa (Renewable Energy).

Shirweynaha Isbedelka Cimiladda Adduunka ee ka socda magaaladda Dubia, ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, oo furmay 30-kii bishii ina dhaaftay ee November, ayaa socon doona ilaa 12-ka bishan December.

Wasiirkaย  ayaa xustay doorka dawlada Somaliland ee dhiiri gelinta isticmaalka Tamaraha kala duwan ee deegaanka la saaxiibka ah, gaar ahaan Gaasta wax lagu Karsado ee loo yaqaan LPGs iyo Tamaraha kale ee Cagaarran.

Taasoo xukuumadda Somaliland ay gebi ahaanba Cashuurta ka dhaaftay cid kasta oo wadanka keenta kuna dhiirigalisay Bulshada Somaliland in ay Maantaย  16.2% si toos ah u isticmaalaaan tamarta cagaaran.

Taasoo xukuumadda Somaliland ay gebi ahaanba Cashuurta ka dhaaftay cid kasta oo wadanka keenta kuna dhiiri galisay bulshada Somaliland in ay bedelaan isticmaalka Dhuxusha, una guuraan isticmaalka tamarraha kale, iyadoo maanta ay dadweynaha Somalilandย  16.2% ย ay si toos ah u isticmaalaaan tamarta cagaaran.

Wasiir Shukri, ayaa sidoo kale soo bandhigtay fursada Maalgashi ee dhinaca Tamarta Cagaaran ee ka jirta Somaliland iyo shuruucda dalku ugu diyaar garoobay Maalgashi kasta oo Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada wax ka geysanaya.

Waxaanay tidhi โ€œDoodaha aanu ka qayb galnay waxay ahaayeen kuwo na khuseeyo, oo aanu wax ka faa’iidayno. Shirkan aan ka qayb galay wuxuu ahaa shir gaar ah oo lagaga hadlayay sidii hoos loogu dhigi lahaa Qiiqa ay wershaduhu hawada ku sii daayaan, maadaama oo ay imika adduunku ka cabanayaan wasakhowga hawada.

Sidii Carbon-ka hoos loogu dhigi lahaa, loo na bedeli lahaa tamarta dhulka hoostiisa ka soo baxaysa ee Baatroolka, iyo Naafatadda, loogu na guuri lahaa Tamaraha cusub ee waara, ee looga faa’iidaysan lahaa tamarraha Dabaysha, iyo Qoraxda. Sida looga faa’iidaysan karro tamarta Korontada ee Biyaha laga dhaliyo.

Sidee hoos loogu dhigayaa qiimaha Korontada ee aadka u sareeya? Somaliland na waxay ku jirtaa wadamada qiimaha Korontadu aadka u sareeyo. Sidee ayaa dadka loo fahamsiinayaa in ay faa’iido ku jirto in ay bedelaan tamarta aynu maanta Korontada ka helno.

Ganacsatadda, iyo tujaarta wadanku sidee ayay maalgashanayaan, oo ay uga qayb qaadanayaan taasi, iyo sida ay dawladu u caawinayso. Inagu 62.2% ayaynu isticmaalnaa tamarta ka soo baxda Dabaysha, iyo Qoraxda. Markaa sidee baynu u kordhin karaynaa oo u maalgelin karnaa tamartaasi. Sida ay haayadaha, iyo dawladaha caalamku inooga caawin karaan, iyo sida ay baananka Afrika, iyo baanka Adduunku inoogu maalgelin karaan tamartaasiโ€.

Shukri Baandare, waxa kaloo ay sheegtay in ay waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaasi lagaga doodayay ay ka mid tahay sidii loo yeelan lahaa Yoolka ah in hoos loo dhigo Qiiqa hawada wasakheeyay ee ay sii daayaan wershadaha dawladaha horumaray. Sidaas darteed na, loogu guuri lahaa tamaraha kale ee Dabaysha, Biyaha, iyo Qoraxda laga dhaliyo.

โ€œWaxaa laga doodayay in dal waliba uu yeesho Yool uu wax kaga dhimayo Qaaca hawada wasakheeyay. Anaga qaybtayadu waxay awoodda saaraysay sidii adduunyadu u heli lahayd isbedel tamareed, oo ah Tamaraha la cusboonaysiin karro, oo jaban, oo meel kasta gaadha, oo dadka anfacda, si loo helo deegaan nadiif ah, oo caafimaad qaba. Anagu waxaanu soo bandhigtay aafada uu nagu saameeyay ama nagu keenay isbedelka cimiladu, haddii aan Somaliland nahay.

Markii danbe na qolo dawladda Ingiriis maalgelinta u qaabilsan ayaanu madaxdoodda la kulanay, aniga iyo safiirka JSL u fadhiya Imaaraadka Carrabtaโ€ ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.

Geesta kale wasiirku waxay ka warbixisay waxyaabaha ilaa haatan ka qabsoomay shirweynahaasi, waxaanay tidhi โ€œDawlado badan, iyo shirkaddo waaweyn ayaa lacago balan qaadyo, oo saxeexay in hoos loo dhigo wasakhawga hawadda oo lacag lagu bixiyo.

In food security-ga lacag lagu bixiyo, in dawladaha Saboolka ah la caawiyo, 134 dawladood ayaa waxyaabo badan soo saaray, oo aad u fiican.

Haddii ay sidan ku sii socoto, wax badan baa iska bedelaya adduunka xagga dhibaatadda wasakhowga hawada, iyo saamaynta isbedelka cimiladda.

Shirkadihii Shiidaalka soo saarayay ayaa balan qaaday, waxaa balan qaaday dawladihii waaweynaa, iyo shirkadaha ganacsiga ee caalamiga ah, sidii loo yarayn lahaa mustaqbalka Qiiqa, ay hawada ku sii daayaan, iyo Yoolkoodsa ah halka la gaadhayo 2050-ka 2060-kaโ€ฆ. Mawduuca ugu weyni waa sidii loo dhimi lahaa Qiiqan hawada wasakheeyayโ€.

Hadaba, maxay Somaliland uga dhigan tahay ka qayb galka shirweynahan caalamiga ah ee isbedelka cimiladda, wasiir Shukri Baandare, oo arrimahaa ka warbixinaysay na waxay tidhi โ€œFaa’iidadda ugu yari waxay tahay, waa lagu maqlayaa waxa aad sheegayso.

Marka magaca Somaliland aad ku hadlayso, ee aad barnaamijka ku jirto, iyo doorkaagga.

Markaa dadku waxay arkeen sidii hoos loogu dhigi lahaa wasakhawga hawada madaxdii shirka ka soo qayb galay way arkayeen warbixinta iyo doodaha aanu shirka ka jeedinay.

Laba wasiir ayaanu shirka kaga jiray, oo kala ahaa wasiirka Senangol, ee Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda, iyo aniga. Inta kale waxay ahaayeen madaxda wadamadda Saxaraha ka hooseeya. Shirkadda DP World ayaa ku jirtay.

Qolo waliba dhibaatadda uu isbedelka cimiladu ku keenay ayaanu ka hadlaynay. Waxyaabo danaha Somaliland ah ee xagga isbedelka cimiladda ah ayaanu madaxda kala hadlaynayโ€.

Dhinaca kale wasiirka oo uu weheliyo Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraatka Carabta iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda deegaanka waxay kulan la qaadateen masuul ka socday xafiiska Maal-galinta ee dawladda Ingiriiska.

Iyaga oo si qoto dheer uga waramay fursadaha Maalgashi ee wadanka Ingiriisku Somaliland ka gaysan karo kuwaasi oo Deegaanka wax ka taraya.