Xuska Maalinta Xuquuqda Aadamaha oo Somaliland lagu Qabtay

0
113

Hargeysa (Dawan) Xuska maalinta xuquuqda addamaha ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, xuska maalintan waxa hal ku dhig looga dhigey ‘Xoojinta iyo joogteynta barashada xuquuqda aadamaha ee mustaqbalka,’, kaas oo ah mid bulshada looga wacyi gelinaayo ilaaalinta iyo dhowrista Xuquuqda Aadanha iyo in la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah.

Xuska maalintan waxa soo qaban qaabisay xarunta xuquuqan iinsaanka Qaranka Somaliland, iyada oo ujeedada laga leeyahayna ay tahay in la sii amba-qaado horumarka laga gaadhay dhowrista xuquuqul insaanka oo bulshadooda u ah asaas muhiim ah.

Koomishanka xuquuqal aadamaha Somaliland, ayaa xuska maalin la xuso sannadkasta si bulshada loogu wacyigeliyo ahmiyadda xuquuqda aadanaha.

Munaasibada loo qabtay xuska maalintan waxa ka soo qayb galay wasiiro, masuuliyiin ka socday hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha, xildhibaano, aqoonyahan, mudan iyo marti Sharaf kale.

Xuska maalintan waxa diirada lagu saaray tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta iyo heerka uu kufsigu ka marayo Somaliland.

Sidoo kale masuuliyiintii kala duwana ee ka soo qayb galay xuska maalinta xuquuqda aadamaha ayaa Koomishanka xuquuqal Iinsaanka Qaranka ku ammaanay hawsha iyo shaqada adag ee ay aqaranka u hayaan.

Agaasimaha fulinta komishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, Cabdisamad Sacad Xasan ayaa mid mid u sharaxay adeegbixinta ay bulshada iyo Qarankaba u qabtaan.

Waxaanu yidhi.“Koomishanka xuquuqda aadamuhu waa hay’ad qaran oo masuuliyadeedu tahay ilaalinta wacyigelinta, kormeerida, iyo dabagalka tacadiyada iyo xuquuqda adaamaha, waxa aanu sii wadnay dhammeystirka siyaasada Qaran ee arrimaha xuquuqda aadamaha, kaas oo aynu doonaynay in Qarankeenu yeesho, isla markaana warbixino laga soo sameeyay gobolo kala duwan, taasi oo looga danlahaa in la ogaado caqabadaha ka jira gobollada, ee dhanka xuquuqaadka kala duwan.

Sidoo kale waxa aanu sanadkasta xalina cabashooyinka nooga yimaada bulshada, kuwaas oo ay ka cabanayaan arrimaha xuquuqda aadamaha qaybaheeda kala duwan, haddii ay tahay in uu Qareeno u qabto, in uu maxkamaddaha ka caawiyo, iyo in ugudbiyo hay’addaha ay khuseyso.

Carruurta ku jirta xarunta agoomaha waa in aynu sameyna siyaasadii lagu hagilahaa, hannaankii lagu shaqaaleysiinlahaa, hannaankii masuuliyadooda Qaranku u qaadilahaa,”