Noolaha Midabka Badan Argiisuna Xoogan Yahay!

0
121

Qofka Adaamiga ah aragiisu wuxu ku kooban yahay qiyaas dhan 600  oo ballac iyo 700 oo dherer ah laakiin  noolaha yare ee Jirjiroolah wuxu awood u leeyahay inu arko qiyaas dhan xagal 360waana dhinacyo kala duwan oo baaxadiisu balaadhan tahay joog iyo ballacba.

Dhakhaatir badan oo qaliin ku sameeyay Isha Jirhiroolah ayaa cadeeyay in Jirjirooluhu uu awoodo in Il keliya u ku arko waxyaabaha aan inagu ku aragno laba indhood. Waxaana ay sheegeen in isheesu ay leedahay awood xoogan oo is rogrogid taasi oo ay kula socoto ilaalinta ugaxanteed iyo noolaha ay ugaadhsanayso. Jirjiroolaha ayaa caan ku ah in kolba goobta u joogo uu midabkiisa isu ekaysiiso, taasi oo u fudaydisa inuu kaga badbaado xayawaanada ugaadhsan lahaa kuna khiyaameyo kuwa uu isagu raashinka ka dhigto.