Abaalku Waa Niyadda Camalka Aad Samayso!

0
167

Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibnu Al –Khaddaab (Rc) inuu yidhi:  waxaan maqlay Nebiga(scw) oo leh: “Camalku waxa saldhig u ah niyadda”,

qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabadh uu guursado,isna waxaa lagu abaalinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud”.   Bukhaari iyo Muslim

 

Xadiisku wuxu inoo cadaynayaa in qofkii camal wanaagsan oo shareecadda waafaqsan la yimaadda laakiin u sameeya halagu amaano ama aduunyo inuu ku helo ama magac inuu ku yeesho ama mansab ku gaadho, kaasi Allah (sw) waxba ka sugi mayo.