Agaasimaha Guud ee Tamarta oo kulan dardaaran ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda

0
107

Hargeysa-(Dawan):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Maxamed Cismaan Siciid ayaa shalay kulan is barasho iyo dar-dargelinta shaqada ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Shirkaas oo ka qabsoomay xafiiska Agaasimaha guud isla markaana goob-joog ahaayeen dhamaan Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, ayaa Agaasime waxeed kasta lagaga dhagaystay Shaqadda uu masuulka ka yahay iyo in uu dhamaystiro qorshaha sanadkan sii dhamaanaya waax kasta u qorshaysnaa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Siciid Cismaan ayaa Agaasimayaasha ku adkeeyey inay xil iska saaraan masuuliyada shaqo ee looga baahanyahay qof kasta goobta uu joogo, wuxuuna kula dardaarmay Agaasime kasta inuu ilaaliyo masuuliyadda shaqo ee ay gacanta ku hayaan.