Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska oo ka Hadashay Cabasho ka soo Yeedhay Dadka Aragga Naafada ka ah

0
108

Hargeysa(Dawan)-Wasaarada  Waxbarashada iyo  Sayniska ayaa ka hadashay cabasho ka soo yeedhay dadka  aragga Naafada ka ah  oo ay  ku sheegeen in laga jaray kharashaaadkii Shiidaalka dugsiga ay wax  ka bartaan ee Gobolka Maroodijeex.

Agaasimaha guud ee Wasaarada iyo  Sayniska
Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude)  oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin shiidaal laga jaray dugsiga ay wax ka bartaan dadka araga Naafada ka ah ee  Gobolka Maroodijeex.

“Ma jirto meel ay Wasaaradda Waxbarashadu shidaalkii kaga jartay ardayda baahiyaha gaarka ah qaba,nidaam ayaa  jira  lagu bixiyo kharashaadka Waxbarashada.waxaana ay ku baxaan waaran waxaana ku qoran  kharashka ama isteeshinari ha, noqoto ama shiidaal ha, noqoto,kab kaas ayaa  ka mid ahaayeen dugsiga baahiyaha araga  ee  Gobalka Maroodijeex.markaa dugsigaas wixii uu xaq u lahaa ama  ha, noqoto  shiidaal ama wax kale ha noqotee Xafiiska Gobalka Waxbarashada ayay martaa.markaa garan maayo meesha ay keeneen Wasiirka iyo Agaasimaha guud ayaa shiidaal naga jaray,markii aanu dabogalnay waxa ay  u ee  kayd  wax si khaldan loo soo abaabulay  oo la rabay in Mucaaradnimo laga dhex sameeyo  Wasaarada  Waxbarashada  iyo  dadkan dhibataada u baahnan ee qaba baahiyaha gaarka,waxaana aanu dabogal ku haynaa cida  soo adeegsatay   dadka dhibaataysan ee araga naafada ka ah.dhawaana waxa aanu u keenay qalab ay wax ku bartaan dadka araga naafada ka ah waxaana ay naga ahayd dadaal,”.