Tabobar Naadir ku ah JSL oo la Siiyay 28 Hawlwadeen oo ka Tirsan Bahda Caafimaadka

0
101

Hargeysa (Dawan)- Hay’addaha WHO iyo King Salman (KSrelief), oo kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar sare oo naadir ku ah dalka u qabtay 28 Hawl-wadeen oo ka tirsan bahda caafimaadka Somaliland.

Tababarkaas oo socday 5-tii ilaa 9-kii Bishan December, waxa la siiyay daryeelka degdega ah ee caafimaadka aasaasiga ah, waxayna iskugu jireen hawlwadeennada tababarkaas ka faa’iidaystay Lix Dhakhtar, 15 Kalkaaliye iyo 7 Umuliso oo ka kala socday toddoba xarun caafimaad oo heer gobol ah. Waxa ku jiray 21 haween ah oo ka kala yimid gobollada Awdal iyo Gabiley.

Tababarkaas waxa ay ka qaybgaleyaashu ku qaateen habka loo maareeyo xaaladaha degdega ah ee nafta bini’aadamka halis gelin kara, ka hor inta aan la ogaanin xannuunka rasmiga ah, waxana ka mid ah neef qabatowga, gubashada, naxdinta iyo qoddobo kale oo la xidhiidha xaaladaha degdega ah.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta caafimaadka, Liibaan Yuusuf Cismaan oo ka hadlay tababarkaas, ayaa sheegay inuu ahmiyad weyn ugu fadhiyo bahda caafimaadka tababarkaas, waxaanu yidhi; “Tababarkani wuxuu gacan ka geysan doonaa in la siiyo tababar-gacanta ah xirfadlayaasha caafimaadka, waxayna ka caawinayaan inay bartaan hab nidaamsan oo loogu talogalay qiimeynta bilowga ah iyo maareynta xaaladaha caafimaad ee waqtiga xasaasiga ah, iyadoo tallaabada hore ay badbaadiso nolosha bukaannada.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye, ayaa sheegay in tababarkaasi muhiim u ahaa xirfadleyaasha caafimaadka isla markaana ay ku barteen tallaabooyinka la qaadayo xaalada degdega ah.