Xikmad Nolosha

0
277
  • Markaad dhalatay maad garanayn qofka ku qabtay, markaad dhimatana mataaqanid cida iilka ku dhigaysa”
  • “Reer galbeedku inagama caqli badna ee halkaynu isku dhaafnay ayaa ah, iyagu waxay isgarab taagaan midka fashilma ilaa uu ka guulaysanayo, halka inagu keena guulaysta aynu la dagaalano ilaa inta uu guuldaraysanayo “ Xikmad Carbeed
  • “ Waalida macnaheedu waa qofka oo samaynaya wixii uu hore ugu fashilmay isagoo weliba u samaynaya sidii uu hore ugu sameeyay, oo haddana rajaynaya in natiijo tii hore ka duwani uga soo baxdo”
  • “Waxaa ayaan daran qofka tagaan meeshii uu joogay dhowr sano ka hor, dhinac kasta oo nolosha ka mid ah”
  • “ Waxa wanaagsan in qofku dunida kaga tagto wax muuqda”
  • “Markaad dhalatay waa lagugu eedaamay, mana garanaysid qofka kugu adimay, markaad dhimatana waxa lagugu tukanayaa Salaad aan Eedaan lahayn, mana taqaanid cida kugu tukanaysa, inta u dhaxaysa Eedaanka hore iyo salaadda lagu tukaday ayaad dunida joogta”