Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo Xisbiga ANC ee Koonfur Afrika oo Heshiishyo kala saxeexday

0
201

Hargeysa (Dawan):-Xsibuyada KULMIYE iyo ANC ee  haya talada talada dalalka Somaliland iyo Koonfur Afrika,ayaa heshiisyo dhinacyo badan taabanaya kala saxeexday  ka dib kulan ay ku yeesheen Xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE ee Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ku qaabilay xarunta Xisbiga Kulmiye ee Hargaysa masuuliyiin heer sare ah oo ka socda Xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haye ee ANC, oo safar shaqo ku yimi dalka.

Kulanka uu Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed uu la qaatay weftiga Xisbiga ANC ee Koonfur Afrika ayaa waxa goob joog ahaa xbno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Masuulin heerkoodu sarreeyo oo ka socda Xisbiga ANC iyo Dawladda Koonfur Afrika ayaa si wada jir ah u kala saxeexday heshiis iskaashi oo dhinacyo badan leh, sida maalgashiga, Kaluumaysiga, Macdanta iyo Tamarta.

Labada Xisbi ee KULMIYE iyo ANC ayaa waxaa kala hoggaamiya rag soo halgamay, waana laba Xisbi oo wax badan wadaaga,iyadoo labada Xisbi ba ay waxyaabo badan iska kaashan doonaan.

Masuuliyiinta ka mid ah Xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya ayaa dalka soo gaadhay maalintii shalay(Doraad) ahayd, halkaasi oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.