Luqadaha Isgaadhsiinta Ee Aadamiga!

0
151

Turkiga waxa uu caan ku yahay in laga helo dhamaan noocyada dalxiiska sida goobaha madadaalada iyo ugaadhsiga.Waxa kale oo jira goobo lagu raaxaysato oo dalxiisayaashu aad u jecel yihiin.

Dalka Turkiga waxa ka jira goobo badan oo aan caadi ahayn, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah soo jiidashada dalxiisayaasha, waxaana ka mid ah tuulada Koskoy, halkaas oo dalxiisayaasha adduunka oo dhan ay u booqdaan si ay ugu raaxaystaan โ€‹โ€‹luuqad cusub oo isgaadhsiineed oo bulsho, taas oo ah luqadda foorida.

Dadka magaaladan deggani tan iyo wakhtiyadii hore waxaa ay caan ku ahaayeen xirfadda gaarka ah ee ay u leeyihiin in ay abuuraan habab cusub oo ay dadka kula xidhiidhaan. ย Nidaamkan hal abuurka aah waxa ka mid ah luqadda foorida. Tuuladu waxay hindistay khiyaamadan si ay u xalliso mushkiladda isgaadhsiinta ee masaafada fog marka loo eego koronto laโ€™aanta iyo isgaadhsiinta casriga ah.

Habkan waxa la curiyay in ka badan 400 oo sano ka hor oo ah hab fudud oo lagu wada xidhiidho iyadoo la adeegsanayo foorida, dadka deegaanka waxay ugu yeedheen afka shimbiraha.

Dadka tuuladan degan ayaa foorida ku wada xidhiidh iyagoo meel kale durugsan jooga, waxa kale oo ay u adeegsdaan marka ay isaga digayaan ariimo khatar iyo halis ku soo fool leh. Waxa kale oo ay isugu yeedhaan marka ay isku baraarjinyaan hawlaha maalinta. Saxaafadda iyo dadka booqda tuuladan waxay u yaqaaniin luqda shimbiraha.

Dadka degan magaaldani waxa ilaaliyaan luqadda foorida waxaana ay barnaan ubadkoodak si aan dhaqankoodu u baabโ€™in.