Sidee loo fashiliyey ‘weerarro ay Xamaas ka gaysan lahayd Yurub’

0
137

Xamaas ayaa dagaal ba’an kula jirta Israa’iil muddo labo bilood ah kaasoo dhaliyey khasaare dhimasho oo xoog leh iyo walaac amaan oo dagaalka ah.

Booliska dalalka Jarmalka iyo Denmark ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe Xamaas ay ku dili rabeen dadka Israa’iiliyiinta ee ku nool Yurub kuwaas oo ay ku tilmaameen xeelado ay ururku samaynayeen.

Saddex qof ayaa lagu xidhay Jarmalka, saddexna Denmark iyo mid Holland lagu xiray, iyadoo ra’iisul wasaaraha Denmark ay ku tilmaantay shirqoolka mid halis leh.

Saraakiisha Xamaas ayaa lagu eedeeyey inay keenaan hub kayd ah oo laga keenay meel aan la shaacin oo Yurub ka tirsan, lana keeno Berlin si ay u weeraraan xarumaha dadka ka soo jeeda Israa’iil, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha Jarmalka.

Jarmalku waxa uu sheegay in 4 ka mid ah todobada qof ee looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Xamaas ee maamusha Marinka Qasa, kuwaas oo dagaal aan hore loo arag kula jirta Israa’iil.

Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Yurub, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Haya’add la yiraahdo Community Security Trust (CST oo tala ka siina amaanka iyo ilaalinta dugsiyada dadka ka soo jeeda Israa’iil iyo goobahooda kale ayaa sheegtay in warka weerarrada uu saamayn walaac leh ku hayo UK.

Hay’adaha sirdoonka Britain iyo kuwa reer galbeedka ayaa horay uga digay in dagaalka Israa’iil uu sare u qaaday khatarta weerarrada ka dhanka ah Israa’iiliyiinta ku nool Yurub.

Afhayeen u hadlay CST ayaa yidhi: “Taariikh ahaan, Xamaas waligood ma muujin xiisaha ay u qabaan fulinta weeraro argagixiso meel ka baxsan Israa’iil . Waxa jiray hal ama laba goobood sannadihii la soo dhaafay iyaga oo ku xidhan laakiin ma jiraan wax miisaan weyn leh.

“Laakiin haddii ay tani isbedel ku tahay siyaasadda Xamaas si ay u fuliso weerarrada ka dhanka ah bulshada Israa’iiliyiinta ah ee ka baxsan gobolka, iyadoo la raacayo Iran iyo Hezbollah, taasi aad ayay u khusaysaa. Waxay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo ku yimid khatarta lagu hayo bulshooyinka dadka ka soo jeeda Israa’iil. Waxaa jira walaac weyn haddii xarunta Xamaas ay ku amarto dadka Xamaas ee Yurub jooga inay weerar qaadaan.” Ayuu intaa ku daray

Saddex ka mid ah tuhmanayaasha lagu xiray Berlin ayaa u kala dhashay Masar iyo Lubnaan sida ay sheegeen dacwad oogayaasha Jarmalka.

Saddexda tuhmane ee lagu xidhay Denmark ayaa lagu eedayn doonaa falal argagixisanimo, sida uu sheegay taliyaha booliska Denmark Flemming Drejer.

Yurub ayaa ka feejigan weerarrada xidhiidhka la leh Xamaas tan iyo markii ay kooxda Xamaas ay qaadday weerar ka dhan ah Israa’iil 7-dii Oktobar.

Tuhmanayaasha la xiray ayaa u muuqda inay xidhiidh dheeri ah la leeyihiin kooxaha dambiilayaasha ee Yurub, sida uu sheegay booliiska Denmark.

Ilaalada goobaha dadka ka soo jeeda Israa’iil ee Denmark ayaa la kordhiyey si looga jawaabo qorshaha la fashiliyey iyo sidoo kale ciidamada roondooyinka ee magaalada Copenhagen.

Saddexda nin ee lagu xiray Berlin, iyo mid kale oo lagu qabtay Netherlands, ayaa diyaarinayay hub loo adeegsan lahaa weeraro argagixiso sida ay hay’adaha amaanku sheegeen.

Shabakadda warbaahinta Bild, ee laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa ku sheegtay Eedeysanayaasha lagu hayo magaalladda Berlin inay kala yihiin Abdelhamid Al A oo u dhashay Lubnaan, balse haysta dhalashada Masar, Mohamed B iyo Ibrahim El-R oo u dhashay Lubnaan.

Maamulka Jarmalka ayaa sida caadiga ah qariya magacyada dembiilayaasha iyo argagixisada looga shakisan yahay.

“Saddexda nin waxay xidhiidh dhow la leeyihiin hoggaamiyeyaasha sare ee garabka milateri ee Xamaas,” ayuu yidhi Bild, isagoo soo xiganaya ilo ku dhow baaritaanka.

Horraantii 2023, hoggaamiyeyaasha Xamaas ee Lubnaan waxay u wakiisheen Abdelhamid Al A, inuu helo “bakhaar hub ku yaal Yurub, kaas oo ururku si qarsoodi ah halkaas uga samaystay waqti hore”, ayay yiraahdeen dacwad oogayaasha.

Abdelhamid Al A, Mohamed B iyo tuhmane kale oo lagu magacaabo Nazih R, waxay dhowr jeer ka soo baxeen Berlin si ay u raadiyaan hubka, waxaana dadaalkooda ku caawiyay Ibrahim El-R.

Shan guri iyo maqaayad ku taal magaalada Berlin ayay booliisku baareen taasoo qeyb ka ah baaritaanka. Dacwad oogayaasha Jarmalka ayaa sheegay in baaritaanka saddexda eedaysane ee lagu xiray halkaasi uu billowday dhowr bilood ka hor dagaalka Qasa.

“Ilaalinta Israa’iiliyiinta waa mudnaantayada koowaad” ayey tidhi Nancy Faeser, wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka.ooliska

Mette Frederiksen, oo ah ra’iisul wasaaraha Denmark, ayaa sheegtay in kooxdu isku dayayeen in khilaafka Israa’iil iyo Xamaas ay ku balaariyaan kuna fidiyaan Yurub.

“Dabcan marka loo eego Israa’iil iyo Qasa, gebi ahaanba lama aqbali karo in qof uu khilaaf meel kale oo adduunka ah u keeno bulshada deenishka,” ayay tidhi.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa u jeediyey in Mossad oo ah hay’adda sirdoonka dibadda ee Israa’iil inay door ka ciyaarto digniinaha la muujinayo iyo ka hortagooda.

“Mossad iyo Shin Bet waxay sii wadi doonaan inay isku daraan ciidamada iyo awoodaha la-hawlgalayaashooda ee dalka iyo adduunka oo dhan si ay u fashiliyaan ujeedooyinka Xamaas oo ay tirtiraan awoodooda.”

Anja Dalgaard-Nielsen, oo ah madaxa sirdoonka Denmark, ayaa sheegtay in gubista qur’aanka kariimka ah ee ka dhacay Denmark iyo dalka ay deriska ee Sweden ay sabab u tahay khatarta amni ee sare u kacday.

Wasiirka cadaaladda federalka ee Jarmalka ayaa bogaadiyey soo qabashada tuhmanayaasha isagoo sheegay inay ka go’an tahay ilaalinta bulshooyinka asalka ahaan ka soo jeeda Israa’iil.

Bilowgii Disembar ayaa sarkaal ka tirsan Midowga Yurub wuxuu ka digay khatar sii korodhay oo ah weeraro argagixso inta lagu guda jiro fasaxa jiilaalka.

Maalmo ka hor ayay Israa’iil sheegtay in Mossad hay’addeeda sirdoonka ay kala shaqeysay maamulka Qubrus si ay u fashiliyaan qorshe ay Iraan amartay oo lagu bartilmaameedsanayo dadka Israa’iiliyiinta ee jasiiradda. Dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa u qaxay Qubrus tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Bishii hore, masuuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay inay la kaashadeen dalka Brazil in la xiro labo qof oo looga shakinsan yahay argagixisanimo iyo inay xidhiidh la leeyihiin ururka Xisbullah kuwaas oo xulufo la ah Xamaas.