Wasiirka Biyaha oo Dhagax Dhigay Saddex Ceel-biyood

0
112

Borama(Dawan):-Wasiirka wasaaradda  Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ay weheliyaan Guddoomiyaha  gobolka Awdal iyo maamulka shirkadda Shaaba ee maamusha biyaha magaalada Boorama ayaa dhagax dhigay saddex ceel biyood oo laga hirgelin doono dhinaca Galbeed ee magaalada Boorama.

 

Saddexdan ceel ayaa qayb ka qaadan doona biyo ballaadhinta magaalada Boorama,iyada oo ay wasaaradda Khayraadka  Biyaha Somaliland kala shaqaynayaan mashaariicdan Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

 

Munaasibadii lagu dhagax dhigaayey saddexdan ceel waxa ugu horrayn ka hadlay,kana warbixiyay isku duwaha wasaaradda Horumarinta Biyaha ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Dhimbiil (Awliyo) iyo madaxa mashruuca biyo ballaadhinta galbeedka Boorama Axmed Bedde,waxa aannay tilmaameen in ceelashani wax badan ka tari doonaan biyo balaadhinta magaaladda oo ay ka faa’iidaysan doonaan shacabka magaalada Boorama.

 

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha  gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid),Guddoomiye ku xigeenka degmada Boorama Yaasiin Diheeye iyo Guddoomiyaha shirkadda Shaaba ee biyaha magaalada Boorama maamusha,waxaanay sheegeen in mashaariicdan lagu dhagax dhigay saddexda ceel biyood lagaga nasan doono biyo yaraantii magaalada Boorama.

 

Sidoo kale,waxa iyaguna halkaas ka hadlay Najax Maxamed Aadan iyo Anthony oo ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF,waxa aannay sheegeen in 6000 oo Meteri-kiyuubik oo biyo ah  ay ceelashani ku soo kordhin doonaan biyaha magaalada Boorama ay hesho.

 

Ugu dambayn,waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore),waxaanu sheegay in 2019-kii oo uu ahaa wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha uu dhagax dhigay ceelkii ugu horeeyay ee galbeedka magaalada Boorama,maantana uu nasiib u yeeshay afar sanno ka dib in uu saddexdan ceel dhagax dhigo. Ceelashan saddexda ah ayaa noqonaaya wejigii labaad ee biyo ballaadhinta magaalada Boorama.