Wasaaradda Waxbarashada JSL oo ka hadashay Guulaha ay Gaadhay Sannadkan sii Galbanaya

0
129

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdixakiim Siciid Bustaale ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha iyo fursadaha waxbarasho ee ay sannadkan wasaaraddu ku guulaysatay.

Cabdixakiim Siciid Bustaale waxa uu sheegay in wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland sannadkan sii galbanaaya ku guulaysatay in ay fursadaha waxbarasho gaadhsiiso degmo walba iyo tuulo kasta, isaga oo intaas raaciyay in wasaaraddu ay sannadkan fursad siisay ardayda reer Somaliland oo buuggaagta waxbarasho ee Manhajka Somaliland ay si lacag la’aan ah ku heleen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdixakiim Siciid Bustaale waxa kale oo uu sheegay in wasaaraddu ay dugsiyada ay wax ka bartaan ardayda reer Guuraaga ahi ay u samaysay quudin, si aannay ardaydaas waxbarashadoodu uga kala go’in, madaama oo ay qoysaskoodu marba meel u guuraan.

Waxa uu tilmaamay wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland in sannadkan sii galbanaaya ay wasaaraddu hirgelisay nidaamka maamul daadejinta waxbarashada oo uu sheegay in uu waqtigan tijaabadiisii kowaad ka gudbay, iyada oo maamul daadejintaas laga sameeyay degmooyinka Hargeysa,Gebiley iyo Berbera.

Cabdixakiim Siciid Bustaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland waxa uu sheegay in wasaaradda Waxbarashadu ay u diyaar garoobayso qaadista imtixaanaadkii sannad dugsiyadkeena  hore,  oo dib ugu dhacay bisha January, madaama oo ay dalka ka jirto xannuunka Xumada oo sameeyay arday badan.

Waxa uu wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland sheegay in waqtigan ay tabobar ku jiraan 120 hablood oo ku soo biiri doona macalimiinta wax ka dhigga dugsiyada Somaliland,gaar ahaana dugsiyada barbaarinta ee wasaaradda waxbarashadu ay gacanta ku hayso.

Cabdixakiim Siciid Bustaale waxa uu sheegay in wasaaraddu ardayda reer Somaliland ee jecel barashada farsamada gacanta u dhistay goobo kala duwan oo ay ku baran doonaan xirfadaha farsamada gacanta,waxa aannu sheegay wasiir ku xigeenku in xirfadleyaasha reer Somaliland ay buuxin doonaan shaqooyinka farsamada gacanta ee aan loo baahnayn in ay ajaanibtu qabtaan,isla markaana ay xirfada u lee yihiin.